"Xadka Riddada: Maxaa ka run ah?" Qaybta Labaad.
Qaybta labaad ee qormada 'Xadka Ridada: Maxaa ka run ah?"
2. Waa Maxay Riddo?
Erayga Ridda ama Irtidaad waa eray af Carabi ah, macnihiisuna af ahaan waa "noqosho", eraybixin ahaanna waa in diin laga noqdo ama laga baxo, siiba in diinta Islaamka laga baxo. Ruuxa diinta ka baxayna waxaa loogu yeeraa murtad. Diin ka bixidduna waxay leedahay labo waji oo kala ah: in qofku diinta islaamka ka baxo isaga oo aan qaadan diin kale iyo in qofku ka baxo islaamka, isla markaana uu qaato diin kale, sida inuu ka baxo Islaamka isaga oo ka dooranaya diinta Kiristaanka ama Yahuudda ama Buudiisimka, .. ,…iwm.
Murtadkana waxaa loo qaybiyaa labo nooc oo kala ah: Murtad Fitri ah; waana ruuxa ay dhaleen waalidiin muslim ahi, oo qaangaaray isaga oo muslim ah, laakiin isagu mar danbe islaamka isaga baxa, iyo Murtad Milli ah, oo ah ruuxa ay dhaleen waarid aan muslim ahayn, oo qaangaaray isaga oo aan muslim ahayn, hase ahaatee gadaal ka qaatay diinta islaamka, laakiin mar danbe ka noqda diinta.
Waxa riddada ama gaaloobidda loo daliishanayaana waxay yeelan karaan dhawr waji oo kala ah: wax uur laga rumeeyo, ama af laga yiraahdo ama addin laga falo. Culumada qaarkoodna waxay isku dayeen inay dejiyaan qaacido koobta arrimaha riddada keena, waxayna dejiyeen qaacido oranaysa: waxaa riddada keena in la diido arrin ay khasab tahay in diinta laga ogaado [= Macluum mina diin bidaruurah]. Hase ahaatee, qaacidadaani ma aha mid la isku waafaqsan yahay run-sheeggeeda, waxaana jira aqoon-yahanno badan oo rumaysan in qaacidadaani aysan si cad u qeexnayn, waxayna ku tilmaameen inay sida mergiga u jiidanto, oo hadba sidii la rabo loo fasiran karo.
Culumada islaamkuna waa ku kala aragti duwan yihiin ciqaabta uu ifka ku mutaysanayo murtadku, culumada badankooduse waxay qabaan in riddadu tahay denbi ciddii ku dhacdaa ay mutaysanayso ciqaab la yiraahdo "Xad Arridda" oo ah in la dilo, laakiin waxay isku khilaafeen in loo baahan yahay in ka hor inta aan la dilin la siiyo waqti uu ku toobad keeni karo oo islaamka dib ugu soo noqon karo haddii uu doono iyo in kale?
Qaar ka mid ah culumada islaamkuna waxay qabaan in ay arrinkaas ku kala duwan yihiin murtadka fitriga ah iyo kan milliga ahi, oo waxay leeyihiin murtadka milliga ah waa la toobad weydiinayaa, laakiin kan fidriga ah lama weydiinayo. Si taa la mid ah culumada qaarkood waxay kala duwaan murtadka riddada qarsada iyo kan caddaysta, oo waxay yiraahdeen murtadka riddada qarsada waxaa la dilayaa isaga oo aan la weydiin inuu toobad keeno, laakiin kan riddada cadaysta waa la toobad weydiinayaa, oo hadduu islaamka u soo noqdo waa la iska daynayaa, haddii kalena waa la dilayaa.
Sidoo kale, culumada qaba toobad weydiintu waxay isku khilaafeen inta ay le'eg tahay muddada ay tahay in murtadka loo sugo si uu u toobad keeno. Si taa la mid ah, fuqahadu waxay isku khilaafeen haweenayda riddoowda waxa laga yeelayo, ma la dilayaa mise maya? Tusaale ahaanna, fuqahada mad-habta Xanafigu waxay qabaan in haweenayda riddowda aan la dileyn. Oo bilmatal, haddii wiil iyo gabar walaalo ah, ama afo iyo saygeed ay riddoobaan, culumadaani waxay qabaan in wiilka iyo sayga la dilayo, laakiin bilis xaawo aan waxba loo raacanayn.
La soco qaybta 3aad iyo toddobaadka dambe
-----------------------------------
Saciid A. Ismaaciil





