Home | Warar | 3 Wasiir oo ku geeriyoody weerar isqarxin oo ka dhacay Hotel Shamo

3 Wasiir oo ku geeriyoody weerar isqarxin oo ka dhacay Hotel Shamo

image Qamar oo fadhiga goobta

Dr Qamar Aden Cali, Prof Ibraahim Xasan Caddow iyo Axmed Cabdullaahi Waayeel oo ku geeriyooday.

Wuxuu ahaa qarax aad u weyn oo geystay burbur qayb ballaaran oo ka mid ah Hotel Shamo iyo gaadiidkii yiilay barxadda Hotelka. Hotelku wuxuu ku jiray meelaha ugu roon xagga amaanka, goobaha kooban ee DKMG ahi gacanta ku hayso. Aaggaas oo dhan waxaa hareeyey Qaac, waxaana daadsan firirka iyo burburka dhagxaantii, birihii iyo sibirkii uu ka sameysnaa dhismaha Hotelka.

Dhaawac lixaad leh iyo geeri weyn ayaa meesha ka dhacday, welina warbixin sugan cidina kama bixin  karto, waxaana la qiyaasayaa in geerida maanta Hotel Shamo ka dhacday ee leh Arday, Weriayaal, dadweyne iyo Waasiirro intaba, ayan ka yarayn ilaa lixdan qof.  Wasiirada weerarkan ismiidaaminta ah lagu dilay waxaa ka mid ah:

1. Dr Qamar Aden Cali, Wasiirkii Wasaaradda Caafimaadka,

2. Prof Ibraahim Xasan Caddow, Wasiirkii Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Hiddaha

3. Axmed C/laahi Waayeel, Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta.

      4. Suleymaan Colaad Rooble, Wasiirkii Wasaaradda Dhalinyarada iyo Spoortiga (Dhaawac culus)

Seddexdaas wasiir iyo madax kale ee Dawaladda KMG ah ayaa  Holka Shirarka ee Hotelka uga qaybgelayey xaflad qalin-jebin. Waxay ahayd qalin-jebin Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho, waxaana dadka meesha ku hoobtay ka mid ah ardaydii loo fadhiyey qalinjebintooda, waaridkii, Barayaashoodii, saaxiibo iyo Masuuliyiintii ka qaybgashayba.  Wasiirkii Dhallinyarada iyo Spoortiga Suleymaan Colaad Rooble isagu wuxuu ka mid yahay dhaawaca laga dayrinayo noloshooda.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ahba waxaa ku jira taqaatiir waaweyn, kuwaas oo meesha u yimid in ay kala qayb-galaan xafladda arday ka qalinjebinaysey Kulliyadda Caafimaadka

Ilaa hadda waqtigan aan daabacayno warkan, weli rasmi ahaan cidi ma sheegan in ay iyadu ka dambeysay falkan argagixiso ee lagu gumaaday Masuuliyiin, arday, Barayaal, dhaqaatiir, warfidiyeen iyo dadwweyneba. Waxaase ay u badan tahay in uu yahay ururka Ashabaab cidda da ka dambeeysa weerarkan oo aan ahayn kii ugu horreeeyey oo Muqdisho ka dhaca, laakiin noqonaya kii ugu horreeeyey oo tiro Wasiirro intaas dhan isku goob looga dilo Dawladda KMG ah.

Kasmo Online- Muqdisho

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text