Home | Warar | Ciidanka Dawladda iyo Al-Shabab oo ku dagaallamay Yeed

Ciidanka Dawladda iyo Al-Shabab oo ku dagaallamay Yeed

image Al-Shabaab

Ilaa 17 qof ayaa geeriyootay tiro kaloo badanna waa ay dhaaacmeen ka-gadaal markii ay Ciidank Dawladda iyo Xoogagga Al-Shabaab ku dagaallameen deg.Yeed...

Wararka ka imanaya Gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Degmad Yeed ee ku taalla xadka u dhaxeeya Soomaliya iyo Itoobiya uu dagaal xoog leh ku dhex-maray Ciidan taabacsan Dawladda Soomaaliya iyo Xoogagga Al-Shabaab.

Warka ayaa intaas ku daraya in uu dagaaku bilowday ka-dib markii Xoogagga Al-Shabaab ay weerar ku soo qaedeen degmadaas, oo ay gacanta ku hayeen Ciidanka Dawladda, inkastoo ay Xoogagga Al-Shabaab markii dambe dib uga baxeen halkaas.

Warar is-khilafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha naf iyo maalba leh e halaas ka dhacay. Wararka qaar ayy tirada geerida labada dhinac gaarsiinaya 17 qof iyo dhaawac badan oo kale.

A-hayeenno u kala hadlayay labada dhinac ayaa mid kastaaba sheegaya in ay dhinaca kale ka burburiyeen Gaadiid dagaal, dhimasho badanna gaarsiiyeen.

Af-hayeenka Dawladda ee Yeed Aadan Saransoor ayaa qirtay dhankooda in laga dilay 3 Askai, 8 kalena laga dhaawacay.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay weli ku sugan yihiin daafaha Yeed, walow ay Ciidanka dawladdu tibaaxayaan in ay ku jiraan gudaha magaalada.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa iyagu la dagaallamaya Dawladda  Soomaaliya iyo weliba Ciidanka AMISOM. Waxayna Al-shabaab ka taliyaan badi Gobollada Koonfureed ee dalka.

Kaalmoy, Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text