Home | Warar | Dagaal xoog leh oo weli ka socda Gobolka Sacda ee dalka Yemen

Dagaal xoog leh oo weli ka socda Gobolka Sacda ee dalka Yemen

image Sacda-Yemen

Waxaa ku dagaallamaya Xoogagga Xuuthiyiinta, oo dibadda laga soo taageey\ro iyo Ciidanka Dawladda Yemen...

Wararka ka imanaya Gobolka Sacda ee dalka Yemen ayaa sheegaya in ay Ciidanka dawladdu dileen toddoba, nololna ku qabteen saddex kale oo ka mid ah Xoogagga Kacdoonka ka wada halkaas, lana dagaallamaya Ciidanka Dawladda yemen.

Xoogagga Xuuthiyiinta ee Gobolka Sacda ee Woqooyiga Yemen ayaa in muddo ahba waxay dagaal hubaysani kala soo horjeedaan Dawladda iyo Ciidanka dalka yemen, waxaana dagaalkaas ku dhibtay dad fara badan oo labada dhinac ah, kumaan-kun kalena waa ku bara-kaceen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in ay Ciidanka dawladdu Dayuurado iyo Madaafiicba la beegsadeen fariisinno ay Xoogagga Xuuthiyiintu ku lahaayeen Sacda iyo Camraan.

Dawladda ayaa waxay farta ku fiiqaysaa jihooyin aan rasmi ahayn oo dalka Iiraan ka mid ah in ay taageero u fidinayaan Xuuthiyiinta, halka ay Xuuthiyiintu tibaaxayaan inuu Sacuudigu ku garab-taagan yahay dawladda Yemen dagaalkan.

Labada dhinac ee Dawladda iyo Xoogagga Xuuthiyiinta ayaa guulo ku kala sheeganaya dagaalkan, oo ay muuqato inuu aad u daba dheeraaday.

Xuuthiyiinta ayaa aaminsan Dariiqada Shiicada, waxayna qabaan in ay iyagu xaq u leeyihiin Madaxtinimada dalka Yemen iyo hoggaaminta dadkiisa intaba..

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text