Home | Warar | Hoggaamiyayaasha Yemen iyo Liibya oo ka wada hadlay Xaaladda Soomaaliya

Hoggaamiyayaasha Yemen iyo Liibya oo ka wada hadlay Xaaladda Soomaaliya

image Saalax iyo Qadaafi

Labada Madaxweyne ayaa ku kulmay Tripoli, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay xaaladda Soomaaliyana ku jirto..

Labada Hoggaamiye ee Yemen iyo Liibya: Cali Cabdalla Saalax iyo Mucamar Al-Qadaafi oo ku kulmay Tripoli ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahayd xaaladda dalka Soomaaliya.

Madaxwrynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa ka mid ahaa Madax dhowr ah oo ka qayb-galaysay xuska sannad-guurada 40-aad ka ka soo wareegtay dhalashadii Kacaankii Liibya ee uu hoggaaminayay Col.Mucamar Al-Qadaafi.

Hoggaamiyaha Liibya ayaa ku soo booqday Qasrigii uu Tripoli ka degganaa Madaxweynaha Yemen, waxayna isla eegeen arrimo dhowr ah: oo ay ka mid ahaayen Xiriirka labadooda dal, arrimaha Gobolka oo ay ka mid ahaayeen Xaaladda dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Suudaan iyo Falastiin.

Dabbaal-deg lixaad leh oo lagu weynaynayay Munaasabaddas ayay Wufuuddu daawadeen, waxaana dhanka Soomaaliya uga qaybgalay munaasabaddas: R/Wasaraha Dawladda KMG ah:Cumar Cabdirashiid Cali iyo Wafdi uu hoggaaminayay.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text