Home | Warar | Dagaal laysu adeegsanayo noocyada hubka oo ka socda Muqdisho

Dagaal laysu adeegsanayo noocyada hubka oo ka socda Muqdisho

image Dagaal

Dagaalkan ayaa xooggiisu ka socdaa degmada Hodan, wuxuuna ku bilowday si kedis ah..

Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya inuu hadda dagaal la isu adeegsanayo noocyada hubka uu ka soconayo Deegaanka Hodan. Dagaalka ayaa ku bilowday si lama filaan ah, wuxuuna dhex-marayaa Ciidamo  wada taabacsan Dawladda.

Warka ayaa intaas ku daraya inuu dagaalka xooggiisu ka soconayo inta u dhaxaysa Is-goyska Banaadir ilaa Km.5, hubka fudud iyo madaafiicna ay labada dhinac isla dhacayaan.

Ilaa iyo hadda faahfaahin lagama hayo khasaaraha dhabka ah ee dagaalkan. Waxaa kale oo aan la xaqiijin karin weli sababta ay u dagaallamayaan Ciidan ka wada tirsan kuwa Dawladda.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text