Ciidanka Dawladda oo la wareegay Magaalada Beledweyne
La wareegidda Ciidanka Dawladda ee Beledweyne ayaa timid ka-gadaal markii ay dagaal iyaga iyo Xoogagga Xisbul-Islaam isaga hor-yimaadeen halkaas.
Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya: In Ciidanka Dawkladdu la wareegeen Gacan ku-heyntii magaalada Beledweyne, ka-gadaal markii uu dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo Xoogagga Xisbul-Islaam.
Laakin Af-hayeen u hadlayay Xoogagga Xisbul-Islaam oo horey iyagu uga arriminayay magaalada ayaa tibaaxaya: in ay dib uga gurteen Beledweyne Xeelad-dagaal awgeed.
Wararka ka imanaya Beledweyne ayaa intaas ku daraya in ay Ciidanka Dawladdu laba dhinac Weerar kaga soo qaadeen magaalada, ayna duqeeyeen fariisinnadii Xisbul-Islaam iyo Xoogagga Al-Shabaab ee magaalada iyo daafaheeda.
Ilaa iyo haatan wax faahfaahin ah lagama hayo wixii dhimasho ama dhaawac ah ee ay labada dhinac isu geysteen.
Goob-joogayaasha ayaa sheegaya in Ciidan dawladda ee weerarka ku soo qaaday, qabsadayna Beledweyne ay tiradoodu gaaraysay 600 Nin.
Mukhtaar Xuseen Afrax oo u hadlayay Ciidanka Dawladda ayaa u sheegay Warfaafinta in ay Ciidankoodu si buuxda gacanta ugu dhigeen, haatanna ka arriminayaan Beledweyne.
Kaalmoy, Kasmo Online..





