Dadka Qaaradda Aasiya oo maanta arkay Qorrax-madoobaadkii ugu dheeraa
Qaybo badan oo dalalka Hindiya, Shiinaha iyo kuwa kale ah ayuu hareeyay, waana Qorrax-madoobaadkii ugu dheeraa ee Qarnigan 21-aad la arko.
Qaybo badan oo ka mid ah dalalka Shiinaha, India iyo kuwa kale oo badan oo Qaaradda Aasiya ku yaalla ayaa aroortii hore ee maanta la kulmay Qorrax-madoobaad kii ugu dheeraa qarnigan 21-aad.
Dadyow malaayiin ah oo ku nool dalalka adduunka kuwa ugu dadka badan oo kala ah Shiinaha iyo India, ayaa maanta daawanayay Qorrax-madoobaad la yaab leh.
Qorrax-madoobaadka ayaa markii dambe u wareegay dhanka dalal ay ka mid yihiin Bangaladesh, Naibaal iyo kuwa kale oo dhankooda xiga.
Warka ayaa intaas ku daraya in Reer Shiine ay Qorrax-madoobaadkaan oo kale ay ugu dambeysay sannadkii 1814-kii.
Gobollo ka mid ah dalka India, aya waxaa laga aaminsan yahay khuraafaadyo la xiriira Qorrax-madoobaadka. Waxaa ka mid ah:In ayan Haweenka uurka lihi u soo bixin dibadda inta uu socdo Qarrax-madoobaadka iwm.
Kaalmoy, Kasmo Online..




