Dagaal culus oo ka soconaya Muqdisho.
Degmada Cabdulcasiis ayuu ka bilowday saakay, Sarkaal magac leh ayaana looga dilay Ciidanka dawladda.
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dagaal qaraar saakay dib uga bilowday deegaanno ku yaalla Woqooyiga Caasimadda.Dagaalka ayuu u dhaxeeyaa Ciidanka dawladda iyo Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam oo isku dhinac ah.
Warka ayaa intaas ku daraya inuu dagaalka xooggiisu ka dhacaya Degmada Cabdulcasiis,Liido, dekeddii hore iyo nawaaxigooda. Waxaana dagaalka maanta Ciidanka Dawladda looga dilay Sarkaal ka mid ah Saraakiishii hoggaaminaysay dagaalka. Kaas oo lagu magacaabo:-Nuur Xasan Cali(Nuur-Daqle).
Xildhibaan Salaad Cali Jeelle, oo ku lug-lahaa dagaalka, kana soo jeeday dhanka dawladda ayaa u sheegay warfaafinta: in ay guul ka soo hooyeen dagaalka, ayna qabqabteen tiro Ciidan shisheeye ah oo Mucaaradka la safnaa.
Xildhibaanka ayaa wuxuu tibaaxayaa: in Dagaalyahanno shisheeye oo tiradooda lagu qaddaray 5000 ay ka soo horjeedaan, lana dagaallamayaan Ciidanka Dawladda..
Salaad ayaa qirtay in Tiro Ciidanka dawladda ah oo ay Saraakiilna ku jiraan dhankooda looga dilay Dagaalka maanta.
Dagaalkan ayaa dhacaya maalin un ka-dib, markii ay dhammaatay 5-tii maalmood ee ay Al-Shabaab u qabteen in ay Ciidanka Dawladda isku soo dhiibaan,Madaxda hoggaaminaysana hawlahooda gaarka ah qabsadaan. Digniintaas oo ay Ciidanka Dawladdu ku gacan-seyreen.
Kaalmoy, Kasmo Online..




