Home | Warar | Dawladda Maraykanka oo Taageero Millatari u fidinaysa Dawladda Soomaaliya

Dawladda Maraykanka oo Taageero Millatari u fidinaysa Dawladda Soomaaliya

image Af-hayeen USA ah.

Hub 40 tan gaaraya iyo tababar millatari oo ku wada kacaya 10 milyan oo doollar ayuu Maraykanku ku taageerayaa Dawladda Soomaaliyeed.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegaysa in hub uu xaddigiisu la eg-yahay 40-tan ay gaarsiisay Dawladda Soomaaliya ee dagaalka kula jirta Kooxaha Mucaaradka hubaysan ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka oo arrintan shaacisay ayaa ka jawaabaysay Codsi dhowaan ka soo yeeray Dawladda Soomaaliyeed, kaas oo ahaa in gargaar Millatari lala soo gaaro.

Dawladda Kenya oo ka mid ah dawladaha deriska ah ee codsiga loo gudbiyay ayaa iyadu sheegtay in ayan Ciidan u dirayn Soomaaliya. Sidoo kale Itoobiya ayaa tibaaxday in ay gudaha Soomaliya Ciidan u dirayso haddii ay u aragto in ay khatar kaga soo fool-leedahay dhankaas.

Dawladda Maraykanka ayaa arrintan oggolaansho ka weydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sabab la xiriirta cunaqabatayntii Hubka ee Soomaaliya hore loo saaray awgeed.

Hubka uu Maraykanku u dhoofiyay Soomaaliya ayaa ka yimid dhanka dalka Ugaandha, waxaana la soo mariyay Ciidanka AMISOM ee Muqdisho.

Sarkaal u hadlayay Maraykanka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegaya: in Hubka uu Maraykanku u gudbiyay Dawladda Soomaaliya iyo tababarro la siinayo Ciidanka Dawladda, ay intuba ku kacayaan adduun dhan 10-milyan oo Doollar.

Sarkaalkan Ameerikaanka ah ayaa intaas ku daraya in Dawladda Maraykanku goosatay in ay hub la gaarto Dawladda FKMG ah ee Soomaaliya, ka-gadaal markii ay Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam weerarro dhan kasta kaga keeneen Dawladda.

War ay Dawladda Eretariya soo saartay ayay ku sheegtay iyaduna in uu Maraykanku uga sii darayo arrintii horeba u dhabaqsanayd ee Soomaaliya.

Eretariya ayaa hore loogu eedeeyay in ay hubaynayso Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Madaxweyne Shariif. walow ay Ereratiya iska fogaysay oo beenisay arrintaas.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text