Home | Warar | Dagaal u dhaxeeya Xoogagga Islaamiyiinta oo ka dhacaya D.Wabxo

Dagaal u dhaxeeya Xoogagga Islaamiyiinta oo ka dhacaya D.Wabxo

image Dagaal/Wabxo

Waxaa ku dagaallamaya Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Ahlu-Sunna..

Wararka ka imanaya Deegaanka Wabxo ee ku dhow degmada Ceel-Buur ayaa sheegaya inuu halkaas  dagaal culus oo noocyada hubka laysu adeegsanayo uu ku dhexmarayo Xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul-Islaam oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Ahlu-sunna Wal-jamaaca.

Dagaalkan ayaa daba-socda dagaallo kale oo  ay hore labadaas dhinac isagana hor-yimaadeen jiiddaas iyo guud ahaanba deegaanno kale oo Gobolkaas ka mid ah.Iyaga oo khasaaro naf iyo maalba lehna isu geystay.

Afhayeenno labadaas dhinac u kala hadlay ayaa warfaafinta u sheegay: inuu mid kastaa ka gaaray guulo Dagaalka Wabxo ee Galguduud. Mid kasta wuxuu sheeganayaa inuu kan kale u geystay jab,gacanta sarena uu isagu leeyahay.

Dagaalkan maanta waxaa la xaqiijiyay geerida 10-neeyo qof iyo dhaawac tiro kale ah, oo u badan dhinacyadii dagaallamayay.

Labadan dhinac ayuu dagalkoodu la xiriira gacan ku-heynta deegaanka Wabxo iyo guud ahaanba Gobolkaas Ganguduud.

Kaalmoy,kasmo Online..

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text