Home | Warar | Muqdisho:-Xildhibaan ka tirsanaa Barlamaanka oo la dilay..!!

Muqdisho:-Xildhibaan ka tirsanaa Barlamaanka oo la dilay..!!

image Muqdisho

Waa Xildhibaan Cabdullaahi Ciise Abtidoon, waa toogasho ku dilay niman aan heystooda la aqoon,..

Wararka ka imanaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa sheegaya:In ay rag hubaysan ku dileen gurigiisa,oo ku yaalla deg.Yaaqshiid Xildhibaan ka tirsanaa Barlamaanka oo lagu magacaabi jiray:Cabdullaahi Ciise Abtidoon.

Xildhibaanka la khaarajiyay ayaa hore uga tirsanaa Maxkamadaha, wuxuuna Xildhibaan noqday dhowaan markii Golaha lagu ballaariyay Jabbuuti. Wuxuuna Marxuumku ka tirsanaa Culumaa'udiinta aad looga yaqaan Muqdisho.

Culamaa'udiin, Oday-dhaqameedyo iyo dad badan oo aqoon u lahaa Cabdullaahi Abtidoon, ayaa cambaareeyay dilkiisa.

Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan dawladda Midnimo-Qaran ayaa weerar lagu qaaday tan iyo intii ay Dawladdu soo caga-dhigatay Muqdisho. Kuwaas oo qaarna la dhaawacay, qaarna la sigay.

Dilka Madaxda Dawladda, Xildhibaannada, Aqoon-yahanka iyo Nin-karmeedyada ka tirsan dadka Soomaaliyeed, ayaa joogto iska ahaa Soomaaliya, tan iyo sanooyinkan Burburka iyo Colaadda. Waxaana falalkaas fuliya kooxo hubaysan, oo wejiga soo qarsada, oo aan badanaaba la aqoon heybtooda, laakin loo tiriyo jihooyin cayimad.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text