Home | Warar | Afka Jannada ma lagu doorsan karaa Soomaali?

Afka Jannada ma lagu doorsan karaa Soomaali?

image Qoraaga Saciid A. Ismaaciil

Afka Jannada ma lagu doorsan karaa Soomaali? Maqaal muhiim ah oo lagu daabacay Wargeyska Kasmo

Madaxweynaha maamul goboleedka Buntilaan mudane C/Ramxaan Maxamed Maxamuud "Faroole", wuxuu wadaaddada ka khudbeeya masaajidda ku yaal deegaannada maamul-goboleedka kula taliyey inay khudbada salaadda jamcada ku jeediyaan afsoomaali. Run ahaantiina, mowqifka mudane Faroole waa mid mudan bogaadin iyo dhiirrigelin. Laakiin sida la wada garan karo arrinkaan iyo kuwa la mid ka ahi ma aha kuwo lagu xalliyo wareegto ka soo baxda xafiis dowladeed, balse waxaa lamahuraan ah inay ku yimaadaan wacyiga iyo bisaylka bulshada.

 Dhallinyaro-nimadaydii waxaan aad u akhrin jirey qoraallada afcarabiga ku qoran ee ka hadla duullaanka xagga maskaxda ah [= Al-Gaswi Al-Fikrii] ee reer Galbeedku ku hayaan carabta iyo muslimiinta, laakiin maanta waxaan rumaysnahay in duullaanka maskaxda ee carabtu u geysteen muslimiinta kale uu ka ballaaran yahay, kana qotodheer yahay kan reer-galbeedku u geysteen, sababtuna waxay tahay muslimiintu duullaanka saancaddaha waa ka digtoonaayeen, wax walba oo xaggiisa uga yimaadana waxay ku eegi jireen shaki iyo ilxun, laakiin si taa ka duwan muslimiintu marna iskama jirin duullaanka carabta,  wuxuuna ku galay si sahlan oo doqon ma garato ah, waayo wuxuu ugu soo dugaalay diin.  Soomaaliduna waa tii horay u tiri: "Dhurwaaga kan qayliya iyo kan aammusan keebaa la qaataa", jawaabtii ay bixiyeenna waxay ahayd: kan qayliya, saa yur baad iska tiraahdaaye!, sida la ogyahayna abeesadu dhul u ekaan bay kugu dishaa!

Carabtu magcaanta shanta maalmood ee ugu horreeya maalmaha isbuuca waxay ka qaateen tirada xisaabta, oo Axad, Isniin, Talaado, Arbaco iyo Khamiis waxaa laga keenay waaxid, itniin, talaata, arbaca iyo khamsa, oo u dhigma kow, labo saddex, afar iyo shan. Magaca maalinta lixaad ee jimcaha oo macnihiisu la mid yahay "Kulan ama kulmiye", isagana waxay ka soo qaateen dhaqan ay lahayd Qureeshtii Maka oo ahaa in maalinta lixaad ee isbuuca ay ku kulmaan guri la oran jirey "Daar An-Nadwa", si ay ugu shiraan, arrimahoodana ugu lafo guraan. Erayga sabtina waxaa la malaynayaa in laga soo qaatay erayga cibriga ah ee "shabaat" oo macnihiisu yahay maalin nasasho. Kutubta Towreedka midkoodna wuxuu leeyahay: "Lix maalmood waxaad qabanaysaa shaqadaada, maalinta toddobaadna waad nasanaysaa, si ay u nastaan dibigaaga iyo dameerkaagu,…". Quraanka kariimkuna Yahuudda wuxuu ugu yeeray magaca "sabtilayaal /Asxaab Asabti".

Qoraallada taariikhduna waxay sheegaan in carabtu waagii hore maalinta jimcada u taqiin maalinta carabta [= yoom al-curuuba], ruuxii ugu horreeyey ee maalinta jamcada jamce ugu yeerana uu ahaa nin la oran jirey Kacab bin Lu'ey oo la qiyaasayo inuu ahaa nebiga awowgiis 7-aad. Markii islaamku yimidna muslimiintii magaalada Yatrib – oo mar danbe loo bixiyey Madiino- waxay qaateen dhaqankii carabta ee ahaa in la isu soo ururo maalinta jimcada, sababta oo ah waxay u baahnaayeen inay helaan maalin ay maamuusaan oo ka duwan sabtida Yahuudda iyo axadda kiristaanka.

Waxaana la wariyey in qofkii ugu horreeyey ee Madiino muslimiin ku kulmiyaa uu ahaa saxaabi la oran jirey Ascad bin Saraara (RC) ama saxaabi kale oo la oran jirey Muscab bin Cumayr (RC).

Kolkii nebigu (SCW) madiino u soo qaxayna [= hijroodey] jamcadii ugu horraysey waxay qabatay isaga oo ku sugan tog ay degi jirtey qabiilo la yiraahdo banii Saalim banii Coof, nebiguna meel ay ku tukan jireen ayuu ugu khudbeeyey. Khudbadaasina waxay ahayd tii ugu horraysey ee nebigu Madiino ka jeediyo. Dabadeedna waxaa soo degtay aayadda oranaysa: " Kuwa xaqa rumeeyow marka la isugu yeero salaadda maalinta jimcaha ah aada xusidda Eebbe, wax gadashadana ka taga, sidaasaa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og." [Al-Jumucah:9]. Waxaana xusid mudan in quraanku uusan sheegin in jamcadu tahay maalin fasax iyo nasasho, sidaas oo ay tahayse, muslimiintu waxay caado ka dhigteen in jamcadu tahay maalin nasasho.

Yeelkadeede, su 'aasha meesha taal ee jawaabta u baahani waxay tahay: ma bannaan tahay in khudbadda jamcada lagu jeediyo af aan Carabi ahayn?

Fuqahada islaamku masaladaan waa isku khilaafeen, guud ahaanna afkaartooda waxaa loo qaybin karaa saddex qaybood oo kala ah:

Kow: fuqahada mad-habta Maalikiyada iyo qaar ka mid ah Xanaabiladu waxay qabaan in haddii la helayo khadiib afcarabi yaqaan ay waajib tahay in carabi lagu khudbeeyo xataa haddii dhegeystayaashu aysan carabi aqoon. Haddii la wayo ruux carabi yaqaanna dadkaas salaad jimce ku waajibi mayso, ee waxay tukanayaan salaad duhur.

Labo: fuqahada mad-habta Shaaficiyada iyo qaar ka mid ah Xanaabiladuna waxay ku tageen in loo baahan yahay in carabi lagu khudbeeyo, laakiin haddii dhegaystayaasha dhammaantood aysan carabiga aqoon waxaa bannaan in loogu khudbeeyo afka ay garanayaan.

Saddex: fuqahada mad-habta Xanafiga iyo qaar ka mid ah Shaaficiyaduna waxay yiraahdeen: waxaa habboon in lagu khudbeeyo afcarabi, laakiin khasab ma aha, oo khaddiibku wuxuu ku khudbayn karaa afkii la doono ee dhegaystayaashu ay fahmayaan.

Fuqahada kuwa u arka inay waajib tahay in khudbada jimcada lagu jeediyo carabiguna waxay daliishadeen in nebi Muxamed (SCW) uusan weligi jeedin khudbo aan afcarabi ahayn iyo inuu dhanbaallada uu boqorrada u diro carabi ku qori jirey? Laakiin dhab ahaantii, daliilkaasi waa mid aad u liita, waayo nebi Maxamed ma aqoon af aan carabi ahayn, isla markaana uma baahnayn inuu ku khudbeeyo af aan carabi ahayn, waayo dadka uu u khudbayn jirey waxay ahaayeen Carab ay isku af yihiin. Dhanka kalena, nebigu wuxuu ogaa in warqadaha uu carabiga ku qorayo marka ay u tagaan boqorrada ay ku socdaan in loogu tarjumayo afafkooda.

Waxaana xusid mudan in Maalik, Shaafici iyo Axmed bin Xanbal ay carab ahaayeen, laakiin Abuu Xaniifa uusan carab ahayn. Malaha taasina qayb bay ka qaadatay kala duwanaanshaha xagga fikirka ah ee u dhaxeeya fuqahada, waayo Abuu Xaniifa oo ay dhici karto inuu aqoon u lahaa afaf aan carabi ahayn (sida afka Faarisiga), waxaa u sahlanaa inuu fahmo in afafku yihiin aalad farriimaha la isugu gudbiyo, aysanna kala fadli badnayn, inkasta oo ay dhici karto inay kala horumarsan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, maanta culumada islaamka iyo hey'adaha fatwada badankoodu waxay qabaan in aysan khasab ahayn in khudbadda jimcaha lagu jeediya afcarabi, balse loo baahan yahay in lagu khudbeeyo afka ay fahmayaan dadka khudbada dhegaysanayaa. Waayo, danta laga leeyahay khudbadu waa in dadka lagu wacdiyo, oo wanaagga lagu faro xumaantana looga reebo, taasina waxay suuroobaysaa haddii dadka wax loogu sheego af ay garanayaan.

Taasoo jirta, haddana runta kharaar ee na hortaallaa waxay tahay in ka dhabaynta arrinkaasi aysan ahayn hawl fudud, waayo wadaaddadu waxay xiriir toos ah dhexdhigaan islaamnimada iyo carabiga, oo waxay la tahay in carabigu afafka kale ka fadli badan yahay, iyo in ku hadalkiisa Alle loogu dhawaanayo. Qof ahaan, in badan baa Soomaali – wadaaddo u badani- waxay I weydiiyeen su'aasha ah: sidee baa dammiirkaagu kuu siiyey inaad Soomaali wax ku qorto adiga oo fursad u helay inaad Carabi barato? Ma Carabi iyo Soomaali baa ah labo laysku doorsado?

Carabtu islaamka ka hor waxay ahayd ummad xoolo dhaqato ah, aqoonta ugu mudan ee ay ku dhaadataana waxay ahayd gabayga iyo abtirsiga, laga bilaabo xilligii dowladdii Ummawiyiintana islaamka waxay ka dhigteen diin carbeed oo u yimid si carabta looga sarraysiiyo ummadaha kale. Nebi Maxamedna (SCW) waxay u arkeen inuu ahaa halyey u soo baxay qowmiyadda carbeed oo u dhigma Jenkiis Khaankii Mogoolka. Arrimahaasina carabta waxay dhaxalsiiyeen in meel kasta oo cagtooda ama carrabkoodu gaaraan ay ku faafiyaan fikrad ah in carabta iyo afkooduba barakaysan yihiin, dadka iyo afafka kalena ka fadli badan yihiin. Si dooddaas loogu qancana waxay falkiyeen axaadiis badan oo ay nebiga carrabka ugu tireen, waxaana ka mid ah: " Jacaylka carabtu waa iimaan, nacaybkooduna waa nifaaq/gaalnimo", "Ruuxii carab khayaanaa shafaacadayda ma helo", " Ruuxii carab khayaanaa jannada ma galo", "Haddii carab dullowdo, islaamkuna waa dulloobaa", "Saddex arrimood dartood carab u jeclaada: anigu carab baan ahay, quraankuna waa carabi, afka ehlu-jannaduna waa carabi", "Afka ehlu-jannadu waa carabi, kan ehlu-naarkuna waa faarisi ". dooddaasna dad badan baa inta u qaatay xaqiiqo diini ah, si sahlan ku rumaystay, afkaartii carabtana ku xanbaartay [waxaa jiraa buug laga qoray fadliga afcarabiga iyo in Carabtu ka sarrayso cajamta (= ummadaha kale) gaalo iyo muslimba]

Sidaa darteedna, Muslimiintu waxay u qaateen in afka carabigu barakaysan yahay, dunida islaamkana kama jirin af la barto oo aan ka ahayn carabiga [marka laga reebo faarisiga iyo turkiga oo ay caadi ahaan baran jireen dadka u dhashay labadaas qowmiyadood]. Waxaana faaftay fikradda ah in barashada afafka gaaladu ay la imaanayaan gaalnimo iyo gaalo jacayl. Arrinkaasina wuxuu dhaliyey in muslimiintu si qumman uga faa'iidaysan waayeen aqoontii ummadihii kale [waaba gaale muxuu sheegi]. Qoraallada taariikhduna waxay noo sheegayaan in dunida islaamka wixii ka horreeyey qarnigi 19-aad, hawsha tarjamada ay qaban jireen dad aan muslimiin ahayn sida: yahuud, kiristaan,… ama ugu yaraan muslimiin aan diinta ku dhalan balse soo muslimay.

Run ahaantii, carabtu waxay si weyn ugu guulaysteen inay dhaqankoodii ku barxaan diinta islaamka, ummadaha kalena uga iibiyaan sidii inuu diin yahay. Tusaale ahaan, cimaamaddu waa dhar carbeed ee ma aha astaan islaamku leeyahay. Carabtana xirashada cimaamadda waxaa baray kulaylka iyo dabaylaha ka jira saxaraha carabtu degto, laakiin carabtu waxay allifeen axaadiis ka hadlaysa fadliga cimaamadda. Axaadiistaas midkoodna wuxuu leeyahay: "Ogaada cimaamadaha waayo waa astaanta malaa'igta, dhabarkana ka raariciya". Sidaa darteedna, muslimiintu meel ay joogaanba waxay u qaateen in cimaamaddu tahay summad islaamka lagu garto. Sida la ogyahayna, sanooyinkaan danbe cimaamadda casi waxay suuqa ka saartay tii caddayd ee waayadii hore ay muslimiintu aadka u xiran jireen. Carabta qaarkood oo malaha ka carooday sida cajamtu isugu jafayaan cimaamaduhuna waxay ku heeseen: "Cimaamadda casi waa astaan carbeed" [cimaamatu xamraa ramsu curuubah].

Sidoo kale, carabtu islaamka ka hor waxay ku noolaayeen nolol qallafsan, oo ilbaxnimada maaddiga ahi ay ku yar tahay, caadi ahaanna ma heli karin waxyaabaha lagu raaxaysto ama dadka nolosha u fududeeya. Tusaale ahaan, carabtu ma aqoon in cunidda raashinka loo adeegsado qaaddo, middi, fargeeto, miis, ..iwm. waxayna caado u lahaayeen in weel keliya raashinka lagu cuno iyo in faraha la leefo raashinka ka dib. Islaamka ka dibna, ummadihii ku noolaa dhulalkii ay furteen waxay ku dhex faafiyeen in arrimahaasi yihiin dhaqan islaamku la yimid oo loo baahan yahay in la fuliyo. Waxayna wariyeen axaadiis dhaqamadaas faraya, oo tusaale ahaan waxaa la wariyey xadiis oranaya: " Hilibka middi ha ku jarannina waayo cajamtaa sidaa yeesha, ee ilkaha ku goosta maxaa yeelay taasaa dhereg iyo macaan badan". Meel walba iyo waqti kasta oo la joogana waa in raashinka shanta lala galo, marka laga dhergana waa in faraha middiiba saddex jeer la leefo. Haddii aan sidaas la yeellinna waa in la ogaadaa in diinta meel looga dhacay, aakhirana la is-xisaabin doono!

 Dhanka kale, islaamka ka hor dhaqaalaha Jasiiradda Carabtu wuxuu ku dhisnaa dhaqashada xoolaha, siiba geela. Geelu waa noole adkaysi badan, oo baadka iyo biyaha muddo dheer moogaan kara, isla markaana cagaftiisu ku habboon tahay ku socodka dhulka jasiiradda oo bacaad iyo buuro u badan. Arrimahaas iyo kuwo kale oo isbiirsadyna geela waxay ka dhigeen duunyada la dhaqdo kan carabtu ugu jeceshahay. Jacaylkii ay u qabeenna wuxuu ku xanbaaray inay u bixiyaan magcaan qaali ah, sida "Deeq Alle/ Caddaa'ul-laah",iyo weliba inay caabudeen, isla markaana curiyaan sheeko-xariirro badan oo ku saabsan geela. Tusaale ahaan, waxay ku been-hawaaseen in geelu yahay wixii ugu horreeyey ee Eebbe uumay, kana uumay daruur, sidaa darteedna taniyo maanta daruuraha waxaa lagu arkaa awr iyo qaalmo geel. Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in geelu dhiig la wadaago shayddaanka, taana waxaa marag u ah kibirka iyo tookha geelleyda.

Waxay kaloo ku doodeen in geelu markiisii hore ahaa duunyo Yahuudda u gaar ah, oo dunida kama jirin ummad kale oo geel dhaqataa. Laakiin seben sebennada ka mid ah ayaa carabi ku duushay yahuuddii oo geelii ka soo mooradduugtay, taniyo waagaasna geelu wuxuu noqday duunyo carabi leedahay, yahuudna waxay ku kaaftoomeen dhaqashada lo'da iyo ariga, sababta oo ah yahuud nacalad qabtaa ma istaahisho in geel lagu sharfo. Waxaana habboon in la xasuusnaado in Yahuuddu xarrimaan cunidda hilibka geela.

Teed kale, geelu carabta wuxuu ugu jirey booska lacagta, oo waxay u adeegsan jireen wax isdhaafsiga. Tusaale ahaanna, meherka, magta ..iwm., waxay ku bixin jireen tiro geel ah. Waxaana la wariyey in Cabdi-Muddalib oo nebiga (SCW) awoow u ahaa, uu yahay ruuxii ugu horreeyey oo gooya in magta ruuxa la dilo laga dhigo bogol neef oo geel ah, caadadaasna kolkii danbe islaamku carabtuu ka qaatay –(Akhristow culumada islaamka badankoodu waxay qabaan in magta dumarku ay le'eg tahay kalabar magta ragga, oo haddii magta ninku ay tahay 100 halaad, tan haweenaydu waxay noqonaysaa 50 halaad, laakiin marka ruuxu dhab u baaro diinta islaamka wuxuu ogaanayaa in arrinkaas aan waxba ka jirin, magta ragga iyo dumarkuna ay isle'eg-tahay, oo islaamku ma qabo wax la yiraahdo boqollow)-   Intaa waxaa dheer,  kaadida geelu carabta waxay ugu jirtey kaalinka biyaha iyo walxaha kale ee la isku nadiifiyo, sidaa darteedna waxay ugu qubeyn jireen carruurta, dumarkuna waxay ku mayran jireen timaha si ay uga ilaaliyaan in dulin ku dhasho. Sidoo kalena, kaadida geelu waxay qayb ka ahayd caafimaadka carabta.

Markii islaamku yimidna carabtu waxay allifeen suugaan diineed badan oo ku saabsan geela. Tusaale ahaan, waxay wariyeen xaddiis sheegaya in nebigu yiri: " Geela ha caayina .." iyo xaddiis kale oo oranaya: "Geela waxaa laga uumay jin, rati walbana waxaa kuriskiisa saaran sheydaan". Muslimiintana waxaa la faray inay ka weesaystaan hilibka geela, oo xadiis baa wuxuu oranayaa: " Ka weesaysta hilibka geela, laakiin ha ka weesaysannina hilibka ariga". Sababta loo amray in hilibka geela laga weesaystana waxaa lagu macneeyey inuu shaydaanka cad la wadaago iyo inuu yahay daabad sheydaanku fuulo, sheydaankana dab baa laga uumay, dabkana biyahaa bakhtiiya. Waxaa intaa dheer, in kaadida geelu qayb weyn ka tahay cilmiga daawooyinka islaamka, oo waxay daawo u tahay cudurro badan sida kansarka, kolostaroolka, sonkorta, cudurrada beerka, iyo kuwo kale oo badan. Waxaana xusid mudan, in daawadaan qiimaha badani ay gaar u tahay Carabta iyo Afrikaan aan badnayn oo Soomaalidu kow ka tahay, welina aysan ogaan culumada cilmiga daawooyinka iyo sheybaarradooda casriga ahi.

 Si ka duwan geela, lo'du waa noole aan muddo dheer moogaan karin baadka iyo biyaha, taa awgeedna waa ku adkayd inay ku noolaato jasiirrad Carabta oo baadka iyo biyuhu aad ugu yar yihiin.  Sidaa darteedna, carabtu wax badan kama sheegaan lo'da, markay ka hadlaanna sawir xun bay ka bixiyaan, horayna waa tii loo yiri: "qofku wuxuusan aqoon col buu la yahay". Carabtu haddii ay isku dayeen inay iidheh u sameeyaan geela, haddana marka lo'da loo yimaado waxaan arkaynaa iyaga oo liidid iyo bahdil xun ku markanaya. Tusaale ahaanna, waxaa la wariyey xadiis aan maalin walba maqalno oo oranaya: " Haddaad ku dhaqantaan ciinada, lo'dana saynta qabsataan, qodaalkana ku qanacdaan, jihaadkana ka tagtaan, Alle wuxuu idinku salladaa dulli aan idin dayn jeer aad diintiinna u noqotaan". Sidoo kale waxay wariyeen xadiis oranaya: "Iska jira hilibka lo'da, waayo waa cudur."   

Dhanka kale, Carabtu -sida ummadihii dunidii hore oo dhan- waxay rumaysnaayeen jiritaanka uuman aan ishu qaban, oo saamayn weyn ku leh nolosha aadamiga. Arrimaha dabeecadda wixii ay fahmi waayaanna waxay u celin jireen uumankaas qarsoon. Uumankaas oo noocyo badan lahaana waxaa ka mid ah jin, sheydaan, guure-raac, saclaat…iwm. Tusaale ahaanna, carabtu waxay rumaysnaayeen in daacuunku [=koleeruhu] uu yahay cudur ka dhasha irbad shaydaanku qofka ku mudo. Waxaana xusid mudan, in erayada carabiga ah ee "Dhabiib" iyo "Dhib", oo la macne ah erayada takhtar/dabiib iyo caafimaad, asal ahaan macnahoodu uu ahaa sixir iyo sixirroole, waayo carabtu waxay rumaysnaayeen in cudurku  ka dhasho ruux shar wadata oo qofka ku degta. Si bukaanka loo daaweeyana waxaa loo baahnaa in la helo cid taqaan la dhaqanka ruuxda sharka wada. Waxaana la rumaysnaa in kaahinka iyo sixirrooluhu ay leeyihiin aqoon ay ku daaweeyaan [= sixir-furaan] bukaanka, oo uga saaraan ruuxda sharaysan. Sida la ogyahayna dunidii hore shaqada takhtarnimada waxaa qaban jirey kaahinka iyo sixirroolaha oo iyaga aqoon la bidi jirey. Sidoo kale, carabtu waxay rumaysnaayeen raadka isha, xasadka iyo tufta. Tusaale ahaanna, qofka halaqu qaniino waxay u gayn jireen ruux ku tufa.

Markii islaamku yimidna carabtu khuraafaadkii ay rumaysnaayeen oo dhan waxay ku barxeen diinta. Taa awgeedna, taniyo maanta muslimiintu waa u nugul yihiin rumaynta khuraafaadka, weliba sheydaanka, jinka, xasadka iyo ilaynta ugu badan waxaa laga helaa deegaannada wadaaddadu ku badan yihiin. Tusaale ahaan, labaatankii sano ee ugu danbeeyey oo fikirka diiniga ahi uu Soomaaliya aad ugu xoogaystay, Soomaalida waxaa ku batay dadka ka sheeganaya cudurrada lagu hafro jinka iyo sheydaanka. Waxaana soo baxay wadaaddo ku andacooda inay takhasus u leeyihiin arrimaha jinka iyo xulufadiisa. Run ahaantiina, dhaqankaani wuxuu naga soo galay xagga Sacuudiga oo uu aad ugu xididaystay.

Dhaqaale-yahannadu waxay yiraahdaan: " Lacagta xumi tan fiican bay suuqa ka saartaa.", si taa la mid ahna waxaa la oran karaa dhakhtarka khuraafiga ahi dhakhtarka fiican buu suuqa ka saaraa, xaqiiqadaasna waxaa si fudud ku ogaan kara qof kasta oo u kuurgala rugaha ay wax ku labaan wadaaddada dhakhaatiirta u xuubsiibtay [waxaan jeclahay inaan -Alle darti- akhristaha sir culus dhegta ugu sheego, sirtaas oo ah in dhakhtarnimada ay ka xigto oo keliya inuu daalacdo buug siddeed qarni ka hor laga qoray wax loogu yeeray caafimaadka nebiga (= Addib An-Nabawi) iyo dabcan inuu leeyahay indho-adayg ku filan].   

Hadal iyo dhammaantiis, khudbada jimcuhu waa munaasabad qaali ah oo bulshada  lagula socod siin karo wixii dani ugu jirto adduun iyo aakhiraba, laakiin si khudbadu uga soo dhalaasho kaalinkeeda waxaa waajib ah in looga hadlo mawduuc khuseeya bulshada loo jeedinayo iyo in loogu jeediyo af ay garanayaan. Eebbana ha u naxariisto Soomaalidii tiri: "Nebi Allaw nin waliba afki kugu ammaan!!!"

Saciid A. Ismaaciil

Sismail42@gmail.com

Qoraha maqaalka xiisaha badan, Saciid A. Ismaaciil waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku xeeldheer aqoonta Diinta Islaamka, dhaqanka, dhaqaalaha iyo taariikhdba.  Wuxuu deggan yahay magaalada Barakaysan ee Maka ee dalka Sacuudiga.  Qoraagu wuxuu  daabacay buugaag kala duwan, waxaana maqaalkiisaani ku soo baxay Wargeyska Kasmo, London (UK) 5tii Maarso 2009.  

 


 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text