Burcadda Badda iyo taageerada Dawladda Soomaaliya
Madaxweynaha Yemen Mr.Saalax ayaa la kulmay W.A.Dibadda ee Faransiiska, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiiin B/Badeedda.
Madaxweynaha dalka Yemen: Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay: In ayan dhammaaneyn Burcad-badeednimada ka jirta Badda ku aaddan Soomaaliya iyo Marin-biyoodka muhimka ahba, haddaan la taageerin Dawladda Soomaaliya iyo dib u dhiska Hay'adaheeda.
Madaxweyne Saalax ayaa arrintaas tibaaxay mar uu Xafiiskiisa Sanca kula kulmay Wasiirka Arr.Dibadda ee Dalka Faransiiska' Mr.B.Koshineer' oo haatan booqasho ku jooga dalka Yemen.
Kulanka ay yeesheen labada Masuul ayaa waxay iskula soo qaadeen:-arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xaaladda Soomaaliya, Dhibaatada Burcad-Badeedda, Arrimaha B/Dhexe iyo Iskaashiga labadooda Dawladood.
Arrinta Burcad-Badeedda oo ay isla eegeen, ayay ka muujiyeen Madaxdu walaac ah sida ay carqaladda ugu tahay Marin-biyoodka Caalamiga ah iyo kala adeegashada Dadyowga Mandiqada.
Madaxweyne Saalax ayaa waxaa kale oo uu ku soo celiyay soo jeedintii hore ee Yemen ee ahayd: lagama-maarmaannimada Samaynta Xarun Dawli ah oo Goboleed oo la dagaallanta B/Badeedda.
Sidoo kale, wada-hadal ay yeesheen labada Xukuumadood, oo ay kala hoggaaminayeen labadooda Wasiir-Dibadeed, ayay ku soo saareen War-murtiyeed ay ka mid ahaayeen inay iska kaashanayaan la-dagaallanka Burcad-Badeedda.
Kaalmoy, Kasmo Online..




