AMISOM oo beeniyay in ay dad ku xasuuqeen Muqdisho
Ciidanka AMISOM oo hore loogu eedeeyay in ay dad ku xasuuqeen Muqdisho ayaa beeninaya eedayntaas...
Af-hayeen u hadlayay Ciidanka AMISOM ayaa Shir-jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho ku sheegay in dadka 40-meeyada ah ee lagu soo eedeeyay dilkooda in aysan iyagu dilin.
Af-hayeenka AMISOM ayaa ku andacoonaya in dadkii Waddada Maka Al-Mukarrama dhigay Bam-Gacmeedka, ay iyagu yihiin kuwa laayay dadka oo weerarkana soo qaaday.
Nin lagu magacaabo Cali Muuse Cabdi, oo ka mid ahaa dadkii soo daad-gureeyay dhaawaca, ayaa u sheegay Saxaafadda: in ay dadkii ay soo qaadeen ay Madaxa kaga wada tiil rasaas. Taas oo muujinaysa in la toogtay, oo aysan Qarax ku wax-yeellobin.
Cali Muuse ayaa intaas ku daray in ay dadkaas ay xabaddu ku tiil ay la socdeen Basas dadweyne, qaarna ay waddada lugaynayeen.
Dhibaatadii ka dhacday Waddada Halbowlaha ah ee Maka Al-Mukarrama ayaa dadkii ku dhintay ay gaarayaan 41 qof, halka ay dhaawacuna ka badan yihiin 40-meeyo kale.
Dareen caro leh oo xoog leh ayaa tan iyo shalay ka jira Muqdisho, kaas oo ay muujinayaan dadweynaha rayidka ah, maamulka Gobolka, Oday-dhaqameedyada iyo xitaa Ciidanka Booliska.
Sida la og-yahay kooxaha ka dagaallama Soomaaliya ee ka soo hor-jeeda DFKMG ah ayaa iyaga qaarkood waxay diiddan yihiin Ciidanka AMISOM iyo guud ahaanba Ciidan shisheeye oo dalka la keeno.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu Madaxweyne Sheekh-Shariif magaalada Addis-ababa kaga qayb-galaya Shirmadaxeedka Midowga Afrika, uuna sheegay in ay dawladdiisu u baahan tahay Ciidan Nabadda Ilaaliya oo kale oo la keeno Soomaaliya.
Kaalmoy, Kasmo Online..




