Yemen waxay soo dhoweynaysaa 100 Maxbuus oo uga imaan doona Guantanamo bay
Yemen ayaa ku faraxday go'aanka Madaxweyne Obama ee albaabbada loogu laabayo xabsiga Guantanamo bay.
Siyaasiyiinta dalka Yemen ayaa aad u soo dhoweeyay, una riyaaqay Go'aanka uu gaaray Madaxweynaha cusub ee Maraykanka B.Obama ee la xiriira Al-baabba u laabidda Xabsiga 'Guantanamo bay'.
Go'aanka Madaxweyne Obama ayaa sheegaya in sannad gudihiis albaabbada loogu laabo Xabsigaas, iyada oo la joojinayo habka foosha xun ee Maxaabiista halkaas loogu ciqaabo.
Siyaasiyiinta dalka Yemen ayaa waxay u arkayaan inuu Go'aankaasi tilmaam u yahay Wejiga wanaagsan ee tallaaba-qaadista Madaxweyne Obama, oo isagu talaadadan un ku fariistay Kursiga Madaxweynanimo ee USA.
Yemen waxay u aragtaa: inuu Xabsigaasi fool-xumeeyay magacii Maraykanka ay ku lahayd dunida, kaas oo ay keentay sida loola dhaqmo Maxaabiista Guantanamo ee ka dhanka ah Xuquuqda aadamiga.
Dawladda Yemen ayaa dhowr jeer oo hore uga codsatay Xukuumaddii Madaxweyne Bush: in lagu soo wareejiyo Maxaabiista reer Yemen ee ku jira Xabsigaas, si loogu maxkamadeeyo dalka gudihiisa. Codsigaas oo ayan meel-marin USA.
Maxaabiista Yemen ee ku jirta Xabsiga Guantanamo ayaa lagu qaddaray 100 Maxbuus oo laga soo kala qabtay meelo ay Afganistaan ka mid tahay.
Magaalada Sanca ayaa haatan waxaa laga wadaa diyaar-garow la xiriirta soo dhoweynta Maxaabiista ka imaan doonta Guantanamo bay iyada oo loo diyaarinayo Barnaamij dhaqan-celin ah.
Kaalmoy, Kasmo Online..




