Home | Warar | Ruushka oo Ciidankiisa ku xoojinaya 70 Saaruukh oo Nuklear ah

Ruushka oo Ciidankiisa ku xoojinaya 70 Saaruukh oo Nuklear ah

image S.Ruush ah

70-ka Saaruukh ee Nuklearka ah iyo hub kale ayaa ku kacaya 140 Bilyan oo Doollar.

Dawladda Ruushka ayaa shaaca ka qaadday: in ay Ciidamadeeda Qalabka sida ku xoojinayso 70 Saaruukh oo Nuklear ah iyo noocyo kale oo Hub Casri ah saddexda  sannadood ee soo socota.

Dib u xoojintan cusub ee lagu samaynayo Ciidanka Ruushanka ayaa ku kacaya adduun dhan 140 Bilyan oo Doollarka Maraykanka ah.

Ku-Xigeenka Madaxa Guddiga xagga Farsamada ee Ciidamada Ruushka 'Flansalaf B. ayaa u sheegay Saxaafadda: ay  ay Xukuumadda Moosko gaartay go'aankan, si ay tallaabo la taaban karo uga qaaddo dhanka Hubka Istiraatiijiga ah ee Ruushka.

Warkan ka soo baxay Moosko ayaa intaas ku daraya: in Hubka lagu xoojinayo Ciidanka Ruushka, ay ka mid yihin:- 48 Dayuuradood oo kuwa dagaalka ah, 6-Dayuuradood oo kuwa wax basaasa ah, 60 Dayuuradood oo Helekopter Millatari ah, 14 Maraakiibta dagaalka ah iyo weliba 300 Taangi.

Toddobaadkii hore un bay ahayd markii uu Ruushku shaaca ka qaadaadeen soo saaridda iyo horumarinta Sawaariikh wax ka dili karta 10-kun oo Km.

Col.Nikolai S. ayaa toddobaadkii hore isaguna tibaaxay:- in Dawladdiisu ay diyaar u tahay joojinta sii horumarinta hubka Istiraatiijiga ah, haddii ay Maraykanku ka haraan qorshaha ay Yurub ugu soo fidinayaan Sawaariikhda.

Laakin USA ayaa iyaduna sheegaysa in Sawaariikhda ay ku fidinayso Yurub ayan ula dan lahayn Ruushka, balse ay yihiin kuwa looga hor-tagayo  waxa ka imaan kara Dawlado ay Iiraan ka mid tahay....

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text