Waa maxay Arrinta uu ka digayo 'Ban Ki Mon' ?!!.
6-da Nov. ayaa ah maalin caalamiga ah ee ka hortagga waxyeellada loo geysanayo deegannada dabiiciga ah. Xoghayaha guud ee QM ayaa arrintaa ka hadlay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr.Ban Ki Mon, ayaa war cad oo uu soo saaray uga digay dawladaha Adduunku in deegaannada dabiiciga ah loo isticmaalo dagaallada iyo adeegsiga hubka.
Ban Ki Moon oo warkiisa ku beegay maalinta Caalamiga ah ee ka-hor-tagga in Deegaannada Dabiiciga ah loo isticmaalo dagaallada ee 6-da Nov., ayaa wuxuu leeyahay:-Waa in la ilaaliyaa heshiiskii No.1 ee Geneva ee arrintaas laga gaaray.
Xoghayaha guud ayaa intaas ku daraya:-" Weli waxaa jira dawlado iyo kooxo hubaysan oo aan fulin, garab-marayana heshiiskaas,waxyeellana u geysanaya noolayaasha iyo deegaannada dabiiciga ah. Wasaqaynaya oo sumaynaya: Ceelasha, Webiyada,Harooyinka, Beeraha iyo meelaha kale oo ay noloshu ku tiirsan tahay".
Mr.Mon ayaa farta ku fiiqay meelo badan oo dunida ah oo ay colaadi ka jirto, sida Lubnaan, Afganistaan, Suudaan iyo meelo kale oo ay nolosha dadyowga miyiga iyo magaalooyinkuba ku jiraan halisyo, ka imanaya dagaallada,qaraxyada iyo adeegsiga noocyada hubka..
Xoghayaha guud ayaa ugu dambayntii ku boorriyay dhammaan dawladaha adduunka badbaadinta iyo ilaalinta deegaannada dabiiciga ah ee ay noloshu ku tiirsan tahay. Iyo in loo wada guntado joojinta iyo ka hor-tagga colaadaha.
Kaalmoy, Kasmo Online..




