Home | Warar | Xiissada Xulista Wasiirada oo kacsan

Xiissada Xulista Wasiirada oo kacsan

image Nuur Cade wasiirka koowaad ee Soomaaliya

Benari Hotel oo ah halka uu Madaxweynuhu ka deggan yahay Nairobi ayaa waxaa qaatay Soomaali u badan mudanayaasha baarlamaanka iyo wasiiradii DFKG ah.

Xusul duubku aad buu u badan yahay, sheegashada cidii la soo shaqaysay madaxweynaha oo daacada u ahayd aad bey u badan tahay. Sidoo kale Nuur Cade ayaa isna aad la isugu leexinayaa.

Hase ahaatee waxaa la hubaa in xaqiiqo ahaan isbeddel dhici doono, waxaana wararka xanta ah ee la isla dhex marayo sheegayaan in wasiiro dhowr ah aanay dib ugu soo noqoneynin golaha cusub ee la dhisi doono.

Wasiirada aan la hubin ee carabka dadku u badan yahay in aanay soo noqon doonin waxaa ka mid ah:

1. Ahmed Abdisalaan Wasiirka Warfaafinta, Ahna raiisul wasaare ku xigeen.

2. Cali Ahmed Jaamac Jengali, Wasiirka Arrimaha Dibeda

3.  Abdi Maxamed Tarax ayaa isna ka mid ah dadka aad la isugu sheegayo in aanay soo noqon doonin.

Si kasta ha ahaatee wararka rasmi ahaan ayaa loo ogaan doonaa ilaa iyo labada maalmood ee nagu soo aadan.

wixii soo kordha kala soco kasmo online

Abdirizak M Diriye, Kasmo Nairobi

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text