Home | Warar | Obama wuxuu ku socdaa Aqalka Cad

Obama wuxuu ku socdaa Aqalka Cad

image

4 Juun 2008- (Kasmo); Sida muuqata isbeddel aan la caabbin karin ayaa ku soo fool leh Aqalka Cad ee Maraykanka.

4 Juun 2008- (Kasmo); Sida muuqata isbeddel aan la caabbin karin ayaa ku soo fool leh Aqalka Cad ee Maraykanka.

 

Laga bilaabo 3da Juun 2008, waxaa sugnaatay in Barack Obama yahay murrashaxa Xisbiga Dimoqoraaddiga, ka dib markii uu gaaray tirada looga baahan yahay musharraxa xisbigiisa oo ah 2,118 ergo.  

Barack Obama wuxuu ka adkaaday Hillary Clinton, gabadhii kula tartamaysay doorashada qofka u soo baxaya Xisbiga. Xaflad dabaaldeg oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 17-kun oo qof ayuu ku soo gunaanaday tartankii uu kula jiray Mrs Clinton, wuxuuna ku dhawaaqay in uu bilowday oo furan yahay tartan kale. Waa tartanka isaga iyo Murashaxa Xisbiga Republican-ka (Jamhuuriga), ninka lagu magacaabo John McCain, doorashada Madaxtinimada, Nofember 2008. 

Markaas, Barack Obama waa Madaxweynaha la sugayo, lana filayo in uu soo af-jaro Maamulka Madaxweyne Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga ah.  Waa kuma Barack Obama?Sida la filayo, bisha Nofember, doorashada dhacaysa, Barack Obama wuxuu  noqonayaa Madaxweyne Maraykan ah kii u horreeyey oo ka yimaada dadka isir ahaan laga badan yahayoo weliba Madow ah. 

Obama waxaa  iska dhalay aabbe reer Kenya ah iyo hooyo Maraykan. Wuxuu ku dhashay Hawaii, 4 Agoosto 1961.  Waa waqti Aabbihiis deeq-waxbarasho ku joogay dalka Maraykanka.  Obama isaga oo ilmo ah ayaa aabbihiis dib ugu noqday dalka Kenya, wuxuuna ahaa dhaqaale-yahan u shaqeeya Dawladda Kenya, xagga maaliyadda.  Markii uu dib ugu noqday Kenya, wiilkiisii yaraa iyo xaaskiisii (Obama hooyadi) dib uma kulmin, waana  isfuren. Obama aabbihiis Muslim buu ahaa, waxaase dhashay hooyo masiixi ah, oo mar kale guursatay nin Muslim ah oo dhalashadiisu ahayd reer Indonesia.  

Markii Obama 6-sano gaaray, waxaa loo wareejiyy dalka Indonesisa.Waxaa mar kale dib loogu celiyy Maraykanka oo uu Awoowgiis iyo ayeeydiis la noolaa.  Wuxuu siyaasadda iyo sharcigaba ka bartay Jaamicadda Harvard, wuxuuna noqday ninkii ugu horreyy oo madow, madaxna ka noqda Journaalka (Majalada) lagu magacaabo Harvard Law Review. Bishii November 2004 ayaa loo doortay Senator ee Gobolka Illinois. Wuxuu leeyahay xaas, wuxuuna dhalay laba gabdhood.

 Barack Obama marka uu Aqalka Cad (White House) yimaado, wuxuu ballan-qaaday in  siyaasadda Maraykanka carro-geddi ku dhici doono, dagaalka Ciraaq ka bixi  doono,  wada hadal ku xalin doono arrinka Atomigga Iran, soo celin doono sharafta iyo  habeyda dadka Maraykanka. Dhaqaalaha iyo nolosha dadka kor u soo qaadi doono. 

Aragtidiisa isbeddelka xambaarsan iyo soo celinta rejada iyo xushmada dadweynaha Maraykanka oo tebaya in ay xilligan Bush dhulka dhacday, ayaa Barack Obama looga dabac-dhacay. Barack Obama waa qof dunida oo dhan isha ku hayso oo sugaysa isbeddelka imaan doona.  

Obama waxaa horyaal loollan xoog le. Waxaana hadda laga sugayaa in uu soo bandhigo qofka Madaxweyne ku xigeen u noqon doona.

WQ:C/qaadir Shire     

 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text