Home | Warar | Sarkaal u shaqeynayay WFP oo lagu dilay Marka..!!

Sarkaal u shaqeynayay WFP oo lagu dilay Marka..!!

image WFP..

Sarkaal ka tirsanaa Hay'adda Cuntada Adduunka(WFP) ee QM ,laguna magacaabi jiray C/Naasir Aadan Muuse,ayay niman ku hubaysan baastoolado ku dileen Marka...

Wararka ka imanaya magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in niman ku hubaysnaa Baastoolado ay halkaas ku dileen Sarkaal ka  tirsanaa Hay'adda Cuntada Aduunka(WFP).

Ninka la dilay ayaa lagu sheegay magaciisa: Cabdinaasir Aadan Muuse, isaga oo niman soo dabooshay Afka ay la beegsadeen toogasho, xilli uu ka soo baxay salaaddii maqrib, Masjidka Sheekh-Abroone ee Marka.

Marxuumka ayaa isagoo dhaawac ah loola cararay Cisbitaalka, hase yeeshee, daqiiqado ka-dibna waxaa uu u dhintay dhaawacii ka soo gaaray toogashada.

Sida ay dad badani la socdaan: isla magaalada Marka, waxaa isku-dey dil ka badbaaday maalmo ka-hor, Sarkaal ka tirsanaa Hay'adda 'WFL', sidoo kale,waxaa mar ka soo horraysayna agagaarka Shalambood Qarax Miino lagula beegsaday sarkaal kale oo u shaqaynayay Hay'adda UN-ka ee 'UNOPS', kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Falalkan dilka iyo af-duubka ee ka dhacay Marka iyo nawaaxigeeda, ayaa iyagu qayb ka ah, ammaan-darrida guud, degganaansho la'aanta iyo colaadda ka jirta Soomaaliya.

Kaalmoy, Kasmo Online..

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text