Home | Warar | War-Saxaafaddeed:Madaxweynaha oo shaqo u gaaray London

War-Saxaafaddeed:Madaxweynaha oo shaqo u gaaray London

image

Madaxweyne Xasan oo shaqo u gaaray London

(Muqdisho, Soomaalia,Febraayo,01 2013); Madaxweynaha JamhuuriyaddaFederaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxay ka dageen caasimadda dalka Ingriiska ee London. 

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirkaarimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,WasiirulDowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. 

Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingiriiska casuumaad rasmi ah u fidisay:” Cilaaqaad-keenii jiray ayaan rabaa in aan dib u soo celino”.

 Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dalka Ingriiska. Safarka Madaxeynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soonooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.

Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta, Villa Somalia, Muqdisho

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text