Home | Warar | War Saxaafadeed: Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Shirka Midowga Africa

War Saxaafadeed: Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Shirka Midowga Africa

image

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Shirka Midowga Afrika

 (Muqdisho, Soomaliya,December,28 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hogaaminayo ayaa  waxey ka qeyb galeen kulankii 20-Aad ee Midowga  Afrika oo ka dhacay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Waxaa kale oo qeyb ka ah  wafdiga R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Safiirka Soomaalya u fadhiya Itoobiyo mudane Siciid Yusuf Nuur,iyo la taliyayayaal .

Markii ugu horaysay muddo dhan  labaatan sanno ayuu Madaxweyne Soomaaliyeed qudbad ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika. Madaxweynaha ayaa wuxuu ka hadlay siyaasadda cusub ee Soomaaliya taas oo ku saleysan Lixda Tiir siyasadeed ee uu kow ka yahay amniga.” Soomaaliya waxey hadda  saaran tahay waddadii saxda ahayd, waxayna ka mid tahay dalalka Midowga Afrika.“Goobtaas ayaa Madaxweynaha aad loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kale u mahad celiyay Midowga Afrika iyo beesha caalamka, sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu gargaareen.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha wuxuu  kulamo la qaatay,Madax fara badan oo ay ka midyihiin.Madaxweynaha Dowladda Equetorial Guinea,Tunisia,,Kenya,Nigeria,. Waxaa kale uu la kulmay Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobay.

 

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text