Home | Warar | Nin British ah oo ka mid ahaa dadkii afduubkii Algeeriya lagu dilay oo xaaskiisu ka hadashay

Nin British ah oo ka mid ahaa dadkii afduubkii Algeeriya lagu dilay oo xaaskiisu ka hadashay

image

Xaaskii Marxuumka: "Wuxuu ahaa Sey, Aabbe, Wiil iyo walaal'

Muuqaalkan sare (sawirka qoys faraxsan) waa isbeddelay. Odaygii reerka, ninkaas dhalinyarada ah waa la dilay, haweeneydiina tacsi iyo Sey la'aan ayaa u soo hoyatay, ilmaha yarna waa agoon aabbihii ka dhintay, isagoo weli saqiir ah!.

Geeridaas waxaa soo jiiday koox sheegtay in ay islaam u dagaalamayaan, ka dib markii ay isku wareejiyeen Warshaddii Gaaska ee dhowaan aragixisadu weerartay, dalka Algeeriya.

Halkaas waxaa lagu dilay ugu yaraan 37 qof shaqaale ajnebi ah, uuna ka mid ahaa nink sawirka sare leh, laguna magacaabo Sebastian John oo reer Britain ahaa. Waxaa kaloo dhintay ilaa 5 qof oo kale, una dhashay dalka Britain.

Haweeneyda ninkaasi ka dhintay oo warbaahintu soo xigtay, ayaa iyadoo tiiraanyeysan, calool xun, tacsi u fadhida, waxay tiri: "Weligiis jeceylkiisu igama tegayo Sebastian John. Wuxuu ahaa Sey, Aabbe, Wiil iyo walaal'.

Miraha jihaadka argagixisadu waa kaas!

Kasmo Online, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text