Home | Warar | Obama waxaa la Caleemo-saaray in ku dhow hal million oo qof oo isaga soo baxay meel kasta

Obama waxaa la Caleemo-saaray in ku dhow hal million oo qof oo isaga soo baxay meel kasta

image dadkii soo baxay

Obama oo loo Caleemo-saaray afar sanoo hor leh

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta oo isniin ah 21 Janaayo 2013, meel fagaare ah loogu dhaariyey xilka madaxweynaha isagoo markii labaad hogaamin doona dalka Maraykanka.

Kumaakun ayaa isugu soo baxay Caleemo-saarkiisa, kuwaas oo soo buuxiyey fagaaraha lagu magacaabo 'National Mall' ee magaalada Washington DC. Fagaarahaas, dadweynaha hortiisa ayaa Madaxweyne Obama lagu dhaaariyey, waxaana dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, John Roberts, iyadoo waqtiga la dhaarinayey jaan iyo sacab ay boqolaal kun oo qof isla jiibinayeen.

Madaxweyne Obama oo dhaarinta kadib khudbaddii Caleemo-saarka halkaas ka jeediyey, wuxuu sheegay in fursadda taal laga faa'iideysto, wuxuuna tilmaamay in awoodda Maraykanku ayan limid lahayn iyo in nolosha horumar laga gaaro.

Obama waxaa horyaal shaqo lixaad leh, gudaha dalkiisa iyocaalamkaba.

C/qaadir Shire, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text