Home | Warar | Algeeriya: 32 afduubayaashii oo la dilay iyo 5 nolol lagu qabtay

Algeeriya: 32 afduubayaashii oo la dilay iyo 5 nolol lagu qabtay

image Mukhtaar Bel-mukhtaar

Arrintii Afduubka Warshadda Gaaska oo soo af-jaray

Ugu yaraan 32 afduubayaashii ka mid ah iyo 25 dadkii ay afduubka u haysteen ah ayaa dhintay ka dib markii ciidamada Algeeriya ay weerar ku qaadeen goobtii dadka lagu haystay taniyo maalintii arbacada oo koox si weyn u hubeysani xoog ku qabsadeen xarunta Warshadda Gaaska ee In Amenas Gas Installation.

War Dawladda Algeeriya soo saartay maanta oo axad ahayd, waxay ku sheegaty in laga yaabo in tirada geeridu intaas ka sii kororto, waxayna sheegeen in 5 ka mid ah argagixisadii dadka afduubka u haystay nolol lagu qabtay.

Waxaa la qiyaasayaa in falkan lagu weeraray saldhigga Warshadda Gaaska ay qayb ka tahay dagaal jihaadnimo ah, iyadoo ay halkaas ka shaqaynayeen dad reer galbeed ah oo ay ku jiraan Maraykan, Ingiriis, Faransiis, Jabbaan, Norway iyo qaar kale.

Dawladda Britain muwaadiniinteeda halkaas ku dhintay, ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey shan qof, waxaana la filayaa in tiradu intaas ka kororto.

Koox argagagixiso ah oo uu madax ka yahay nin lagu magacaabo Mukhtaar Bel-mukhtaar (Ninka leh sawirka sare) ayaa sheegatay in ay iyadu masuul ka ahayd oo ay fulisay weerarkan.

Weerarkani wuxuu ku soo beegmay wxilli ciidamada faransiisku ay hawlgal ka wadaan gudaha dalka Maali, halkaas oo ay kula dagaallamayaan xoogag Islaamiyiin ah oo doonaya in ay dalkaas qabsadaan.

C/qaadir Shire, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text