Home | Warar | Madaxweyne Obama oo markii labaad loo dhaariyey madaxtinimada dalka Maraykanka

Madaxweyne Obama oo markii labaad loo dhaariyey madaxtinimada dalka Maraykanka

image Dhaarintii Obama

20ka Janaayo: Obama oo markii labaad loo dhaariyey madaxtinimada

Maanta, 20ka Janaayo 2013, Barack Obama waxaa loo dhaariyey madaxtinimada dalka Maraykanka. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Aqalka Cad, Qolka lagu magacaabo Blue Rom ayaa dhaarinta Madaxweynuhu ka dhacday.

Hase ahaatee munaabad weyn oo arrintaas ku saabsan waxay dhacaysaa 21ka Janaayo oo isniin ah.

20ka Janaayo oo Axad ahayd in la dhaariyo, waxaa keenaya Dastuurka dalka ayaa faraya, in Madaxweynaha la doorto xilka loo dhaarinayo maalinta bisha Janaayo tahay 20ka. Sidaas darteedna, duruuf kasta oo timaadda, lama dhaafi karin in Madaxweyne Obama la dhaariyo 20ka, waana la dhaariyey.

Obama isagoo Kitaabka Bible-ka gacanta saaraya, wuxuu ku dhaartay: 'In uu dhowrayo, ilaalinayo, uuna difaacayo Dastuurka dalka Maraykanka'. Sida oo kale, waxaa isna la dhaariyey Madaxweyne ku xigeenkiisa Joe Biden oo isagana markii labaad loo dhaariyey isla jagadaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo lagu magacaabo John Roberts ayaa dhaariyey Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Marwada Madaxweynaha  Michelle Obama iyo labadooda gabdhood, laguna kala magacaabo Sasha iyo Malia iyo xubno kale oo ka mid ah qoyskooda.

Xaflad weyn oo dabaaldeg iyo dhaarin ku celin ahi waxay Washingtoon ka dhacaysaa 21ka Janaayo 2013.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text