Home | Warar | Madaxweyne Obama oo Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maraykan oo aqoonsaday Dawladda Somalia

Madaxweyne Obama oo Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maraykan oo aqoonsaday Dawladda Somalia

image Obama iyo Hassan

Booqashada Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee Maraykanka

Maalintii khamiista, 17kii Janaayo 2013, Soomaaliya iyo Maraykanka waxaa u bilowday bog cusub, taas oo ay ka dambeysay booqasho Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku joogay magaalada Washington, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.

Kulamo xiriir ah oo Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay masuuliyiin kala duwan ee Dawladda Maraykanka kula lahaayeen Washington, ay ku jireen madax ka tirsan Congress-ka, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo kulan uu Aqalka cad kula yeeshay Madaxweyne Obama. Kulamaddaas oo dhan waxay ku soo dhamaadeen si taariikhi ah.

War uu soo saaray Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad, Janaayo 17, 2013, ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Obama uu ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh horumarka ballaaran ee Soomaaliya ku tilaabsatay ilaa sannadkii hore, in kastoo weli culeysyo badani horyaallaan, dawladda Maraykankuna taageero buuxda siinayso.  

Isla war saxaafadeedkaas waxaa lagu xusay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaya Arrimaha Dibedda Hillary Clinton dhex maray iyo in Dawladda Maraykanku si buuxda u aqoonsatay, labada dalna uu u bilowday xiriir waa cusub wixii ka dambeeyey 1991, markii Dawladdii Dhexe ee Soomaaliya burburtay.

Shir Jaraa'id oo ay wadajir u qabteen ayaa Clinton ka sheegtay in dowladda Mareykanka ay hadda wixii ka dambeeya dhageysan doonto, ulana macaamili doonto Soomaaliya, sidii laba dowladood oo xor ah oo uu xiriir wanaagsan oo saaxiibtinimo uu ka dhaxeeyo.

Mar ay VOA-du weydiisay Mrs.Clinton waxay dowladda Mareykanka ay ka yeeleyso siyaasaddii laba geesoodka ahayd ee ay kula macaamileysay dowladda Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira, ayey ku jawaabtay in waqtigaa laga soo gudbay, soomaaliyana uu u baryay waa cusub, dowlad rasmi ahna ay u dhalatay, taasoo looga fadhiyo wax ka qabashada mustaqbal dadkeeda, Mareykankana uu ku taageerayo.

Wareysi ay VOAda la yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayuu sidoo kale ku sheegay, in aqoonsiga dowladda Mareykanka ee dowladiisa ay tahay talaabo horey loo qaaday oo si guud wax ka tareysa horumarka diplomaasiyadeed ee dowladda iyo Shacabka Sooomaaliyeed.

Kasmo Online

 
  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text