Home | Warar | Ururka Ashabaab oo dilaya 'Dennis Allex ninkii Faransiiska ahaa ee ay af-duubka u haysteen

Ururka Ashabaab oo dilaya 'Dennis Allex ninkii Faransiiska ahaa ee ay af-duubka u haysteen

image Dennis Allex

Geerida Dennis Allex: War ka soo baxay Ashabaab

War qoraal ah oo maanta, Arbaca 16ka Jan 2013, ay soo saareen Ururka Ashabaab wuxuu muujinayaa in ay dil ku fulinayaan Lahaystihii Faransiiska ahaa ee dhowaan lagu fashilay in la soo furto. 

War Saxaafadeed warbaahinta loo kala diray, waxaa Xarakada Ashabaab Al-Mujaahiddiin kaga warbixinayaan weerarkii Buulo Mareer, waxayna si faahfaahsan uga hadlayaan sidii weerarkaasi u dhacay iyo guuldarradii ciidamada Faransiisku halkaas kala gaddoomeen.

Ashabaab waxay kaloo warkooda ku sheegayaan in ay Dawladda Faransiisku dhagartay nolosha muwaaddinka Faransiiska ah ee ay hasyteen tan iyo 14kii July 2009. Waxay sheegayaan in ururkoodu isku deyey in ay wada xaajood iyo is-faham la gaaraan Dawladda Faransiiska sidii loo gaari lahaa si loo siidaayo Dennis Allex. Laakiin ay jawaabtu noqotay weerarkii guuldarraysaty ee ay soo qaadday Dawladda Faransiisku.

Ururka Ashabaab waxay qoraalkooda oo English ku qoran ku sheegayaan in ay Dennis Allex ka gaareen go'aan loo dhan yahay, ayna dilayaan, xog badanna kala hareen mudadii dheerayd oo ay gacanta ku hayeen.

Ma jiro wax muujinaya sida ay dilka ugu fulin doonaan, ama haddiiba ay dileen muuqaalka meydkii Dennis Allex, maxbuuskii gacantooda ku jiray taniyo bishii July 2009.

Kasmo Online, London

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text