Home | Warar | Socdaalkeygii shaqo ee London iyo Rome wuxuu ku soo idlaaday guul”.

Socdaalkeygii shaqo ee London iyo Rome wuxuu ku soo idlaaday guul”.

image Fawsiya Yuusuf

Fawsiya Yuusuf X Aden iyo Socdaalkeedii London iyo Rome oo guul ku soo dhammaaday.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatay muddo (9 cisho) oo ay ku kala bixisay wadamada Britain iyo Talyaaniga ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad oo guul huwan .

“waxaan kula kulmay London dhiggeyga William Hague oo aan isla meel dhignay taageerida dowladda Soomaaliya dhanka dhaqaalaha, nabadgelyada, la dagaalanka burcad badeeda iyo isdhaafsi diblomaasi si dib loogu furo safaaradaha labada dal ay ku kala lahaayeen Muqdisho iyo London” sidaa waxaa sheegtay Marwo Fawsiya Yuusuf oo maanta- 12Janaayo2013 - si weyn loogu soo dhoweyay garoonka diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho .

Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “ Magaalada Rome waxaan kula kulmay Mas’uuliyiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga  Giulio Terzi iyo Wasiiradda Cadaaladda Paola Severino, waxaa ayna ii balan-qaadeen inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka beeraha,kaluumeysiga ,tababarida ciidamada ,garsoorayaasha maxkamadaha iyo dib u soo nooleynta heshiisyadii labada dal horey u kala saxiixdeen”.

                                             - Dhammaad-

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text