Home | Warar | Faransiiska oo ku fashilay weerar uu ku soo furanayey Lahaystahoodii

Faransiiska oo ku fashilay weerar uu ku soo furanayey Lahaystahoodii

image Denis Alex

Faransiiska oo la soo noqday Geeso-dhiig leh

Wasaaradda difaaca Faransiiska ayaa sheegtay in hal askari uu ka dhintay, mid kalena lmaqan yahay, weerar ay ciidankoodu ku qaadeen Saldhig ay Ururka Ashabaab ku leeyihiin Tuulada Buulo-mareer ee gobolka Sh/Hoose. Waxay ku doonayeen in ku soo furtaan sarkaal Faransiis ah oo Ashabaab u afduub u haysteen taniyo sannadkii 2009. 

War ay ka soo saartay weerarkaas Wasaaradda Gaashaandhigga ee Faransiisku waxay ku sheegay, in lahaystihii Faransiiska ahaa, laguna magacaabo Denis Alex lagu dilay weerarkii lagu soo furnayay. Hase ahaatee Ururka Alshabaab wuxuu sheegay in Alex Denis uu weli nool yahay, uuna ka fogaa goobta lagu dagaalamay, waxayna ku tilmaameen qorshii soo furashada Alex Denis mid fashilay, ayna Denis oo nool ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

Weerarka soo furashada, Faransiisku waxay u adeegsadeen helikoptorro iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran, waxayna sheegeen in ay Ashabaab halkaas uga dileen 17 dagaalyahan, iyaga uu kaga dhintay hal askari, mid kalena la la'yahay.
 Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text