Home | Warar | Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Ciidamadda Ka Hawlgala Madaxtooyada Iyo Agagaarkeeda.

image Booqasho2013

Ra'iisal Wasaaraha oo booqday goobo ciidan iyo kuwo degaan (War Saxaafadeed)

Moqdisho, 01, Jan, 2013,  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada iyo agagaarkeeda. Ra’iisal wasaaraha ayaa socod ku maray goobaha Ilaalada, deegaanada iyo barxadaha nasashsda ee ciidamada ayaa xogwareys  kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo askarta uu kula kulmay goobahaasi.

Ra’iisal Wasaaraha “Saacid” ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaas, waxana Ra’iisul Wasaaruhu u muujiyey ciidanka sida ay uga go’n tahay Xukuumaddiisu sidii ay mudnaanta kowbaad u siin lahayd ciidanka, si loo daboolo dhamaan baahiyada kala duwan. Waxa kale oo uu la kulmay ciidamo dhaawacyo kala duwan qaba iyo kuwo jirran oo uu sheegay in si degdeg ah xaaladooda caafimaad wax looga qaban doono.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday xaafadaha ku yaalla aagagga ciidamadu daganyhiin, isagoo halkaas kula sheekaysatay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaas.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaare Saacid ayaa u rajayey ciidanka qaranka in sanadkan cusub uu noqon doono mid ay helaan dhammaan xuquuqdooda kala duwan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah.

 

-----DHAMAAD-----

 
  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text