Home | Warar | Buug cusub: Xabbaddii Dunida gilgishey, Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal

Buug cusub: Xabbaddii Dunida gilgishey, Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal

image Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal

Xabbaddii Dunida gilgishey, Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal (Buug cusub)

Waxaa qortay Shukri Aaden-low.

Wuxuu ku saabsan yahay dhacdo dhab ah (True story) dhacday 1934, galabtii magaalada Walwaal xabbaddii ka qaraxday. Taas oo sabab u nqotay in Addis Ababa la qabsado, isla markaasna qaxootinimo markisay Boqor Xayle Salaase oo waddanka Ingiriiska (Great Britain) magangelyo u imaan doona.

Dagaalkii 2aad oo qarxaya iyo nin Soomaali ah oo Buuro-leyda Xuduuddada Talyaaniga iyo Yugoslavia ka dhex jabhadaynaya, kadibna ku dhaawacmaya, Ninkaaasi waa Aadan Shire Jaamac (Aadan-low). Buuggu waa mid naxdin iyo caloolxumo, farxad iyo rayn-rayn isla xambaarsan.

Dhacdadu waxay raad qoddo dheer ku yeelanaysaa Soomaaliya, Geeska Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobay! Xabbaddii Dunida Gilgishey; Aaden-low iyo dhacdadii Walwaal dhowaan ayaa munaasbad weyn oo Daah-fur ah lagu soo bandhigi doonaa magaalada London.

Xabbaddii Dunida Gilgishey: Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal, waa mid ka mid ah kitaabada Soomalidu qortay kuwii ugu xiisaha badnaa.

Buuggaas waxaa laga heli kari doonaa meelaha kutubta Soomaalida lagu iibiyo, waxaana lagu soo dalban karaa Posto, iyadoo isla markaas lagu iibsan karo Online.

La xiriir:  Mobile 07506 142 884 ama 07939 393 645  Email: slow18@hotmail.co.uk 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text