War Saxaafadeed: Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay Jabuuti
Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay Jabuuti
War Saxaafadeed
(Axad, Desember, 16, 2012 Muqdishu, Soomaaliya); Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta wuxuu u dhoofay Jamhuuriyada Jabuuti si uu uga qeybgalo Sanad Guuradii 40aad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyay in luuqada af Soomaaliga la qoro.
Wafdigan uu Madaxweynaha hogaaminayo ayaa ka kooban shaqsiyaad kuxeel dheer luuqadaha (LuuqadYaqaano) iyo Gudoomiyayaal Jamacadeed. Munaasabadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo caasimada Jabuuti ayna kasoo qeyb galaan shaqsiyaad aad ugu xeeldheer dhaqanka iyo Afka- Soomaaliga.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa wuxuu shaagey”waxaan ka shaqayn doonaa dib-u-soo nooleynta adeegsiga far Soomaaliga mar walbo in aan hormariyo waxbarashada waa howlaha igu muhiimsan” Sidoo kale wuxuu sheegay in horumarinta Afka- Soomaliga iyo dhaqanka ay muhiim u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed. Lixda tiirar siyasadeedka Madaxweynaha wuxuu ku qeexay tiirka afaraad in la hagaajin doono qaabka wax barashada ee Soomaaliya taasna ay horseedi doonto midnimo iyo wadananimo. Lixda tiirar siyasadeed ayaa waxaa ku qoran qorshaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.
Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada
Villa Somalia, Mogadishu




