Home | Warar | Baarlamaanka Soomaaliya oo 15 Guddi-hoosaad iska dhex doortay

Baarlamaanka Soomaaliya oo 15 Guddi-hoosaad iska dhex doortay

image

Baarlamaanka Soomaaliya oo 15 Guddi-hoosaad iska dhex doortay

Kulan Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliyaay isugu yimaadeen xaruntooda magaalada Muqdsiho, 15kii Disember 2012, ayna fadhiyeen 158 midane ayaa waxaa lagu ansixiyay 15 guddi-hoosaad ee baarlamaanka yeelanayo.  Guddiyadaas la xisaabtami doona hey'adaha dowladda waxay u dhisan yihiin:

1. Guddiga xeer hoosaadka iyo anshaxa baarlamaanka
2. Guddiga dib u eegista iyo dhaqan-gelinta dastuurka
3. Guddiga cadaaladda, garsoorka, owqaafta iyo arrimaha diinta
4. Guddiga arrimaha gudaha, maamul goboleedyada iyo amaniga Qaranka
5. Guddiga xaqiiqo raadinta, dib u heshiisiinta iyo hanti isku celinta
6. Guddiga miisaaniyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka hay'adaha dowladda
7. Guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah
8. Guddiga Difaaca
9. Guddiga xuquuqul insaanka, haweenka iyo bani'aadamnimada
10. Guddiga waxbarashada, shaqada iyo isboortiga
11. Guddgia horumarinta reer miyiga iyo xoolaha
12. Guddiga kheyraadka dabiiciga ah
13. Guddiga wafaafinta, wacyigelinta, dhaqanka iyo isgaarsiinta
14. Guddiga waddooyinka, dekedaha, garoomada iyo tamarta
15. Guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha.

Kulankaas baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa mudanayaasha joogay waxay tiradoodu ahayd 158 xubnood, kuwaas oo 156 xubnood u codasay oggol, waxaa diidal hal, waxaana ka aamusay hal mudane.
 
Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text