Home | Warar | Caruur dugsi iyo barayaashoodii oo la xasuuqay dalka Mareykanka - geerida 27 qof

Caruur dugsi iyo barayaashoodii oo la xasuuqay dalka Mareykanka - geerida 27 qof

image Waarid iyo Caruur

Dalka Mareykanka: Caruur iyo barayaashoodii oo la xasuuqay - geerida 27 qof

Dalka Mareykanka iyo dunida kaleba, 14kii Disember 2012, waxay noqotay maalin murugo leh, kaddib markii  la xasuuqay, lagu dilay gudaha dugsigii ay dhiganayeen caruur arday ah, oo da'doodu u dhaxaysey 5 jir ilaa10 jir. Waxaa kaloo iyana isla goobta lagu dilay lix ka mid ah macalimiintii caruurtaas waxbari jirtay.

Masiibadani waxay ka dhacday dugsi lagu magacaabo Sandy Hook oo ku yaal magaalada Newtown ee gobolka Connecticut, waxaana weerarkaas bahalnimada ah fuliyey nin da'diisa lagu sheegay 24-jir, laguna magacaabo Adam Lanza, kaas oo markii uu xasuuqa fuliyey, isaguna isdilay. Ninkaan dilaaga ahi dadka uu dilay waxaa ka mid ahaa hooyadiis oo shaqaale ka ahayd dugsiga uu dadka ku xasuuqay.

Dalka Mareykanka oo idil tacsi ayaa loo fadhiyaa, calankana hoos ayaa loo dhigay, waxaana Madaxweyne Obama oo ilmaynaya, hadal uu jeediyey markii la soo gaarsiiyey warkaas naxdinta badan - xasuuqa caruurta - uu sheegay in arrinta dhacday ay Mareykan oo idil ku tahay Wadne dillaac, wuxuuna tilmaamay in wax kasta la sameyn doono si qoysaska caruurtooda la gumaaday iyo bulshada magaaladaas, sidii xanuunka loola qaybsan lahaa.

Ma aha wax la suureyn karo sababta qof, inta isa soo hubeeyo, oo dugsi yimaado, uu caruurtii iyo macallimiintii u gumaadayo, waxaana weli socota baaritaanka iyo u gurmadka magaalada uu xasuuqu ka dhacay.

C/qaadir Shire

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text