Home | Warar | Golaha Baarlamanka oo kalsooni siiyey 'Ansixiyay' Xukuumadda Cusub

Golaha Baarlamanka oo kalsooni siiyey 'Ansixiyay' Xukuumadda Cusub

image Wasiirada Cusub

Baarlamanka oo kalsooni buuxda siiyey Xukuumadda Cusub

Talaado, November 13, 2012 (Mogadishu) — Xubanaha Baarlamanka ayaa maanta si aqlabiyad ah u ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana kulanka codka loogu qaadayay xukuumadda soo fadhiyey 225 Mudane. Waxaa ogolaatay 219 mudane. Waxaa diiday 3 mudane, waxaana ka aamusay 3 mudane.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof: Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda cusub ay heshay kalsoonidii, iyadoo Xukuumadda maanta la ansixiyey ay noqonayso xukuumaddii ugu tiro yarayd, tan iyo markii Soomaaliya xornimada qaadatay 1960.

Ra'iisal Wasaare Saacid wuxuu xukumadda maanta la ansixiyey soo dhisay, 4tii bishan Nofembar, waxayna ka kooban tahay 10 Wasiir oo ka kooban- Magacyada iyo xilalka:

 1. Marwo Fowsiyo Yuusuf X. Aadan Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda.

2. Mudane Cabdulahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka Iyo Arrimaha Diinta.

3. Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

5. Mudane Cabdulahi Ciil Mooge Xirsi, Wasiirka Warfaafinta, Boostada Iyo Isgaarsiinta.

6. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Dalka.

7. Mudane: Muxyidiin Maxamed Kaalmooy, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.

8. Marwo: Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada.

9. Mudane: Maxamuud Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha

10. Mudane: Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Qorsheynta.

                                           > Dhamaad <

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text