Home | Warar | Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda

image Ra'iisal Wasaare Shirdon

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda

Muqdisho, Axad, Nov, 04, 2012---- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Cabdi Farax Shirdoon Saacid ayaa caawa (4 Nofember 2012) shaaca ka qaaday golihiisa Wasiiradda kadib markii uu la sameeyey latashiyo madaxda ugu sareysa dalka, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada, iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan waxaana golaha wasiiradu ka kooban yihiin toban wasiir.

 

Magacyada Golaha Wasiiradda Cusub.

1.     Marwo Fowsiyo Yuusuf X. Aadan  Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen Ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda.

2.     Mudane Cabdulahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka Iyo  Arrimaha Diinta.

3.     Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4.     Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka.

5.     Mudane Cabdulahi Ciil Mooge Xirsi, Wasiirka Warfaafinta, Boostada  Iyo Isgaarsiinta.

6.     Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaarada Kheyraadka Dalka.

7.     Mudane: Muxyidiin Maxamed Kaalmooy, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud.

8.     Marwo: Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Horumirinta Adeega Bulshada.

9.     Mudane: Maxamuud Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warshadaha

10.  Mudane: Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Qorsheynta.

                                             >Dhamaad<

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text