Home | Warar | Cabdi Faarax Shirdon oo loo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya

Cabdi Faarax Shirdon oo loo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya

image Cabdi Faarax Shirdon

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo sabti ah, gelinkii dambe, xarunta Madaxtooyada rasmi ahaan uga dhawaaqay magacowga Ra'iisal Wasaaraha cusub oo loo magacaabay Dr Cabdi Faarax Shirdon.

Dr Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waa aqoonyahan xagga dhaqaalaha, wuxuuna ka qalin -ebiyay kuliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda, Sannadkii 1983, waxaana uu leeyahay khibrad weyn xagga dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. 


Saacid ayaa sanadii 1983 ilaa 1985 kasoo shaqeeyay wasaaraddii maaliyadda iyo beeraha oo uu ka ahaa dhaqaalyahan, halkaas uu 1985 u wareegay ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaana uu la soo shaqeeyay shirkadii lagu magacaabijiray Bretton woods instatutions, isla markaana uu ahaa aasaasihii iyo milkiilihii shirkadda loo yaqaano Shirdon International Ltd ilaa 1991.

Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sanadka markii uu ahaa 1991 ayuu u guuray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, markaas oo uu noqday aasaasihii iyo milkiilihii shirkadda Shitreco Ltd iyo Shaam.

Dr Cabdi Faarax Shirdon ayaa loo doortay May 2012 guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha Rajo Forum. Saacid waxa uu leeyaha 4 caruur ah iyo xaas, waxaana xaaska R/wasaaraha lagu magacaaba Caasha Xaaji Cilmi oo ka tirsan xildhibaanada Soomaaliya.

Magacowgiisa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

 Kasmo Online 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text