Home | Warar | "Soo dhowow Madaxweyne" Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

"Soo dhowow Madaxweyne" Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

image Front-page

Faallo: "Soo dhowow Madaxweyne"

Hadda musharraxiintii Muqdisho isugu tegay in ay Madaxweyne noqdaan, loolankii waa soo xirmay.  Ciddii lacagteedii ku bixisay Madaxweynenimo iib ah iyo kuwii qaatayba, haatan natiijadii waa soo baxday!

Jagadaas Soomaali maan-qaadday (Madaxweyne) hal qof ayaa ku soo baxay, loona dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda ‘Federaalka’ Soomaaliya. 

Qofkaasi waa adiga Xasan Sheekh Maxamuud ah, waxaadna Madaxweyne u noqotay dal burbursan, wiiqmay, kala qaybsan, dagaal socdo, is-aaminaddii shacbiga, ummadda ay qabyaalad duleysatay!.

Saas oo ay tahay, adigoon weli xilkii Madaxtooyada la wareegin, adigoon weli wax hawl ah qaban, ayaa dadweynaha Soomaaliyeed, durbadiiba waxay kugu soo dhoweeyeen hambalyo iyo bogaadin, meelaha qaarkoodna waxayba dhigeen banaanbaxyo taageero ah!.

Intii ay sugi lahaayeen in ay fahmaan qofkaas yimid majaraha hoggaankooda, ayey in aad Madaxweyne noqotay waxay kuugu sii dareen taageero iyo bogaadin!  

Si marka loo fiiriyo, muujinta taageeradaas weyn oo aad la kulantay iyo malaha qayb xoog leh oo ka mid ahayd codadkii xildhibaanada ee aad heshay, waxaa loo aanayn karaa jacayl aan loo qabin Madaxweynihii adiga kaa horreeyey.  

Hoggaamiye aan la jeclayn in uu kaa horreeyey, dhinacna waa nasiib xumo, oo wixii uu halleeyey iyo dhaqan-xumadii uu ka tegay, sixiddooda ayaa ku sugaysa, dhinacna waa nasiib wanaag, oo waxaas oo taageero ah, qaar waa xumaanta kaa sii horreeysay!

Laakiin waxaas oo idil waa dheeha sare, waxaana run ah in aad maanta haysato fursad ayan haysan saddexdii Madxweyne ee adiga kaa horreeyey, laga soo bilaabo Carta 2000. Raggaas dhamaantood, mid kasta fursad waxqabad wuu haystay. Laakiin dhinac weecsan oo mid walba qaaday, ayaa guul-darro aakhirkii u keentay.  

Adigu waxaas dhib jira, haddana shacbiga Soomaaliyeed wakaas, gudo iyo dibadba, taageero aan xad lahayn ku siiyey, waxayna kaa filanayaan in aad noqoto madaxweyne  caadil ah, aragti fog leh! Waxaase caddayn doona dhaqanka iyo wax-qabadka madaxtinimo ee aad la timaaddo.

Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo,

London 13kii September 2012

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text