Home | Warar | Wargeyska Kasmo oo hambalyeynaya Madaxweyne Xasan

Wargeyska Kasmo oo hambalyeynaya Madaxweyne Xasan

image

Hambalyada Kasmo ee Madaxweynaha la doortay

Musharraxiintii tirada badnaa ee Muqdisho maalmihii la soo dhaafay gaaf-wareegayey, loolankoodii waa soo xirmay, ciddii in ay Madaxweyne lacagtooda ku iibsadaan doonayey iyo kuwii ka qaatayba, yeelkood!

Jagadaas Soomaali madax-martay, hadda hal qof ayaa ku soo baxay, loona dhaariyey in uu madaxweyne u yahay Jamhuuriyadda magaceeda lagu kordhiyey ‘Federaalka’ ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hore ayan dad badani u aqoon, hadda waa Madaxweynaha dhaxlay Madaxtooyadii uu Shariif Sheekh Axmed Soomaaliya uga arriminayey afartii sano ee u dambeeysay, waxaana uu isku day dil ka badbaaday isagoon weli la wareegin xafiiskii Madaxtooyada!.

Ma aynu fahmi karo waxa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dejiyey hotel, madaxtooyadiina uu weli ugu sii negaa ninkii laga guuleystay? Ninkii tiro badan oo Ashabaab ah maalmo dhow xabsiyada ka sii daayey! Ninkii waqtigu ka dhamaaday isagoon weli tiro ku filan oo degmooyin iyo gobollo ah magacaabin!. Ninkii weli jeneraalada dallacsiinayey, isagoo AMISOM isaga laftiisa ilaaliso! Niinkii, ninkii, ninkii ....!!!

Wadeecadaas Eebbe lama kulmiyo Madaxweynaha cusub oo hoggaanka dalka la wareegay iyadoo muddo 22 sano ah lagu jiray dagaal, burbur, qax iyo qabyaalad, lana haftay, oo la daallan yahay!

Wuxuu hoggaankiisa yimid dal shacbigiisu han-jabsan yahay, dareemaya in uu qiimo ahaan dunida ka hoos maray, ay feenatay saboolnimo, laakiin dal ahaan hodon ah! Markaas, waxaas dhibaato jirta, haddana shacbiga Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba, waa u hiillin doonaan, haddii ay dareemaan in uu yahay hoggaamiye daacad ah, aragti fog leh; hoggaamiye arki kara meel durugsan, dadkana ku hagi kara in halkaas wadajir loo tiigsado.

Ma jirto wax ka horjoogsan kara in uu sidaas noqdo, dhab ahaanna waa masuuliyadda xilka loo doortay in uu sidaas yeelo. Si uu guul u gaarana, waa in uu xusho dad karti leh, laga bilaabo Ra'iisal Wasaaraha, Waaxaha iyo lataliyayaasha xafiiskiisa Madaxtooyada iyo hey'adaha dawladda.

In Madaxweynuhu tusaale u noqdo ilaalinta Dastuurka iyo sharciyada dalka, wuxuu u hasytaa fursad taariikhi ah oo dalka gunnimada looga saaro, isbedel run ahina ku dhaco.

Wargeyska Kasmo wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh u rajeynayaa guul.

(13ka September 2012 ayaa qormadani ku soo baxday bogga 5aad ee Kasmo) 

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text