Home | Warar | Xasan Sheekh Maxamuud oo Xildhibaanada Baarlamaanku madaxweyne u doorteen

Xasan Sheekh Maxamuud oo Xildhibaanada Baarlamaanku madaxweyne u doorteen

image Madaxweynaha Cusub

Soomaaliya oo yeelatay Madaxweyne cusub Xasan Sheekh Maxamuud

Maanta oo bishu tahay 10, September 2012, waxaa cod aqlabiyad ah Madaxweyne afarta Sano ee soo socota loogu doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo 190 cod uga adkaaday Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii TFG-da ee waqtigeedu dhamaaday oo helay 79 cod, iyadoo 269 xildhibaan ay codeynta ka qaybgaleen.

Natiijadaas waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ka dib Wareegii 3aad ee doorashada, waxaana si rasmi ah Madaxweynaha Soomaaliya loogu dhaariyey isla goobtii Xasan Sheikh Maxamuud oo aan xil siyaasadeed oo hore soo qaban.

Madaxweynahan la doortay waxaa horyaal xilka culus, waxaan uga hadli doonaa qoraalada dambe. 

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text