Home | Warar | Wareeggii labaad oo ay isugu soo hareen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud

Wareeggii labaad oo ay isugu soo hareen Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud

image

Madaxweynaha Soomaaliya oo noqonaya Xasan Sheekh Maxamuud

Codeyntii wareegga 1aad oo la tiriyey, laguna dhawaaqa ayaa waxay muujinaysaa in ay wareegga 2aad u gudbay Musharraxiinta kala ah:-

1. Shariif Sheekh Axmed, helay 64 cod
2. Xasan Sheekh Maxamuud, helay 60 cod
3. C/weli Maxamed Cali Gaas, helay 29 cod
4. C/qaadir Cosoble Cali, helay 27 cod.

Hase ahaatee, intii aan codeynta wareegga 2aad loo gudbin, waxaa istaagay oo tanaasulay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ka dibna waxaa ku xigsaday oo isna tanaasulay C/qaadir Cosoble Cali.

Sidaas darteed, waxaa tartanka doorashada Madaxweynaha ee wareegga 2aad isugu soo haray Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana bilaabatay codeyntii midkood uu guuleysan lahaa. Iyadoo dadka madaxsha doorashada jooga ay saadaalinayaan in Sheekh Shariif uu guuldarro kala hoyan doono natiijada wareegga 2aad. 

La soco wareegga 2aad iyo Kamso Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text