Home | Warar | Doorashada Madaxweynaha -codeynta wareeggii 1aad oo socota

Doorashada Madaxweynaha -codeynta wareeggii 1aad oo socota

image Sanduuq Codeyn

Doorashada Madaxweynaha iyo codeynta wareeggii 1aad oo socda

Dugsiga Sare ee Booliska waxaa hadda ka socda codeyn Doorasho Madaxweynaha Soomaaliya ee 4 sano ee soo socota, waxaana mudanayaasha Baarlaaanku ay cod ku kala saarayaan 22 Musharrax oo dhammaantood rag ah, waxaana ku jira Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdi Gaas, waa Madaxweynihii iyo Ra'iisal Wasaarihii Dawladdii KMG ahayd ee hadda waqtigeedii dhamaaday.

Musharraxiinta oo markii hore ahaa 25 Musharrax, waxaa ka tanaasulay Musharraxnimada saddex musharrax oo kala ahaa Xuseen Khaliif Jaamac, Bashiir Nuur Xasan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa la saadaalinayaa in wareegga 1aad ee codadka uusan soo bixi doonin hal qof oo 22ka musharrax ka mid ah oo ku guuleysta 184 cod, saddex meelood laba (2/3), kaas oo qofkii gaara lagu dhawaaqayyo in uu isagu ku guuleystay tartankii Madaxweynenimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Laakiin lama filayo in taasi dhici doonto, waxaana suurtogal ah in wareeg 2aad iyo mid 3aadba loo gudbo, si marka hore loo kala reebo afarta musharrax ee ugu codadka badnaada, ka dibna labada ugu sii cod badnaata oo la sii kala doorto.

Sidaas darteed waxaa la filayaa in codeyntu saacado dambe oo badan qaadato, si loo ogaado qofka ku soo baxa tartanka iminka codeyntiisu socoto ee ka socda Dugsiga Sare ee General Kaahiye.

Halkaas oo saaka, subixii hore xubinnimo Baarlamaan loogu dhaariyey hoggaamiye Kooxeedyadii loo diidanaa in ay Barlamaankan cusub ka mid noqdaan, waxaana la dhaariyey iyadoo cod lagu ansixiyey, buuq iyo sawaxan badan ka dib, waxayna dadka la dhaariyey ahaayeen 20-xubnood.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text