Home | Warar | 8-dii Musharax ee u horeysay ee buuxiyey shuraadaha

8-dii Musharax ee u horeysay ee buuxiyey shuraadaha

image Santuuqa Codeynta

8 Musharax ayaamiiska saaran

Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta shaaciyey illaa 8 musharaxa oo buuxiyey shuruudihii lagaga qeybgalayey tartanka jagada madaxweynenimada Soomaaliya.

Guddiga ayaa warbaahinta u gudbiyey magacyada 8 musharaxa oo buuxiyey shuruudihii laga doonayey, waxayana kala ahaayeen sidatan:

1. Sheikh Sharif Sheikh Axmed

2. Mohamed Abdullahi Farmaajo.

3. Abdiweli Ali Gaas

4. Prof Ahmed Ismail Samatar

5. Abdirahman Maccallim Abdullahi (Baadiyoow).

6. Abdiwahid Elmi Omar

7. Xasan Sheikh Mohamud

8. Abdullahi Ahmed Adow.

Liiska ayaana wax dumar ah ku jirrin, waxaana la filayaa in waqti aan fogeyn la kala ogaado inuu sii bato ama halkaas ku joogsado.

Shuruudaha laga dooneyey ayaa waxaa ka mid ahaa

1. In musharax kastaa la yimaado raali ahaansho 20 xildhibaan una soo sixiixaan iyo 10,000USD.

Hadday doorashadani si nabad ah u dhacdo, waxay noqoneysaa muddo 21 sanno ah markii koowaad ee Soomaalidu dowlad ay leedahay madaxdeedii dalka gudihiisa lagu doorto.

Abdirizak M Diriye

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text