Home | Warar | Prof Maxamed Cusman Jawaari oo ku guuleystay doorashadii Afhayeenka Baarlamaanka

Prof Maxamed Cusman Jawaari oo ku guuleystay doorashadii Afhayeenka Baarlamaanka

image Prof Jawaari

Prof Jawaari oo loo doortay Afhayeenka Baarlamaanka

Waxaa soo baxday natiijadii Wareeggii 1aad ee doorashada Afhayeenka waxaana tirada ugu badan helay, intaan loo gudbin wareegga 2aadna, waxaa tartankii ka baxay Dr Cali Khaliif Galleyd wareegga 2aad kula loolami ahaa Maxamed Cusmaan Jawaari.

Sidaas darteedna waxaa guddoonkii Baarlamaanka ku guuleystay Maxamed Cusmaan Jawaari, isla markaasna noqonaya Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya, inta Madaxweyne cusub laga dooranayo. Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, sharci ahaan waa in uu banneeyo Madaxtooyada.

Isla markaas, in Prof Jawaari noqday Afhayeenkii Baarlamaanka, waxay guuldarro kale u tahay Shariif Xasan Sheekh Aden oo hore ugu dhawaaqay in uu musharrax Madaxweyne yahay. Sida muuqatana labada Shariif oo markii horeba isla yimid, haddana waa israaci doonaan.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text