Home | Warar | War Degdeg ah: Prof Jawaari oo helay codadka ugu badan Wareeggii 1aad ee codeynta

War Degdeg ah: Prof Jawaari oo helay codadka ugu badan Wareeggii 1aad ee codeynta

image

Prof Jawaari oo codeynta doorashada Guddoomiya Baarlamaanka ku guuleystay Wareegga 1aad

War degdeg ah oo naga soo gaaraya madasha doorashada Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenda Golaha Baarlamaanka lagu dooranayo ee ka socota Dusiga sare Booliska ayaa waxaa codadka ugu badan helay Prof Jawaari. Wareegga 1aad, sidan ayaa natiijadii noqotay:-

1. Prof Jawaari oo helay 119 cod,

2. Cali Khaliif Galaydh 77 cod

3. Cabdi Xaashi Cabdullaahi 23 cod,

4. Cabdirashiid Maxamed Xiddig 10 cod 

5. Xasan Abshir Faarax 5 cod.

Tirada xildhibaanada ku sugan xarunta codeyntu ka socoto waxay dhan yihiin 236 xildhibaan, waana qarsoodi codeyntu.

Wixii soo kordha la soco wararka dambe.

 Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text