Fanaan Weyn ayaa Nairobi ku Geeriyooday
Allaha u naxariisto Maxamuud Goox Qarboosh
Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Langata ee magaalada Nairobi Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamuud Goox Qarboosh oo xalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala isla Nairobi.
Maxamuud Goox Qarboosh ayaa xannuunsanaa 6dii maalmood ee u danbeeyey noloshiisa, wuxuuna xalay u geeriyooday xannuun xagga kaliyaha oo ay sababtay cudurka sonkorta oo u qarsoonaa. Waxaa dhaqaatiirtu sheegeen in sonkortu ay joojisay shaqadii kaliyaha sababtuna tahay taas. Waxaa isbitaalka caailadiisu u geysay naqaska oo aad u dhibayey awgiis.
Maxamuud Goox wuxuu ahaa fannaan wadani ah, diyaarsana intii la doono iyo dhankii la doono ee wanaagsanba. wuxuu ifka kaga tagay 5 carruur ah iyo hooyadood. Geeridiisu waxay naxdin ku ahayd xalay oo aan laga seexan Nairobi oo dhan iyo Soomaalida ku noolba.
Allaha u naxariisto Maxamuud Goox Qarboosh.
Abdirizak M Diriye
Nairobi.




