'Jaalle Musharrax Madaxweynow!' noo Sheek kaa tahay
Faallo: Waa kuma Musharraxaan Madaxweyne?
Dad gaaraya ilaa 40 qof oo rag u badan, haweenna wax uga jiraan, ayaa ku dhawaaqay in ay Musharrax u yihiin Jagada Soomali maan-martay, waa Madaxweyne!
Ma aynu fahmi karno waxa keeni kara in tiro intaas dhan ay doonayaan, in ay noqdaan Madaxweyne. Weliba dal sidaas u burbursan, dagaal socdo, gaajo loo daadsan yahay, madaxweynihiisana ay ilaaliyaan ciidmo shisheeye, saldhigyadana u joogaan boolis ajnebi ah?.
Dhowr sababood ayaa keeni kara musharraxnimada noocaan ah. Tan 1aad; qayb xoog leh oo ka mid ah dadka ku dhawaaqay Musharraxnimada waa ogyihiin, waana ku kalsoon yihiin in aan yoolkoodu ahayn in ay u tartamaan doorasho Madaxweyne. Sidaas darteedna, sida badan musharraxnimadoodu waxay ku dhamaataa marka ay ku dhawaaqaan! .
Tan 2aad; waa qayb mintid ah, diyaarna u ah in ay wax kasta u adeegsadaan in ay gaaraan jagadaas. Qoladaani waxay qabaan damac halis ah, mana jirto sabab in ay Madaxweyne noqdaan ay u doonayaan, oo aan ka ahayn in ay wax dhacaan, awoodda Madaxweynenahana ku galaan wax kasta oo sharci-darro ah, ihaano ku ah dawladnimadana.
Waxaa jirta qayb 3aad oo rabitaanka in ay Madaxweyne noqdaan, malaha ay u weheliso in ay wax un qabtaan, in ay wax dhacaanna uusan ahayn ujeedadoodu, waase kooban yihiin tiro ahaan.
Haddaba, sadexdaas kooxood oo aan u kala saarnay dadka isku soo sharraxay tartanka Madaxweyne, waa in ay jirto shuruud qeexan oo kala reebaysa, waana in ay timaaddo musharrax dib loo soo celiyey, shuruudahan dartood:-
1. In uusan dagaalladii abaabulnaa ee Soomaaliya ka soo qayb-qaadan,
2. In ayan ku oognayn fadeexad qaran (tuugnimo),
3. In uusan ahayn qof leh dhaqan laaluush bixin ama qaadasho,
4. In ayan hoosayn aqoontiisa akadeemigga ah, waayo-aranimadiisa iyo kartidiisa qofeed.
Iyo ugu dambeys, in aan lagu imaan karin hoggaanka dalka (Guddoomiye Baarlamaan, Madaxweyne iyo Ra'iisal Wasaare) lacag la qaatay.
Haddii Baarlamaanka cusubi sidaas u fuliyo xilkiisa, kartina u yeesho in uu abbaaro runta iyo danta. Markaas, Soomaaliya iyo isaguba waa guuleysteen!
Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo, 23 Aqoosto 2012




