Home | Warar | Meles Zenawi Ra'iisal Wasaarihii Itoobiya oo geeriyooday

Meles Zenawi Ra'iisal Wasaarihii Itoobiya oo geeriyooday

image Meles Zenawi

Meles Zenawi Ra'iisal Wasaarihii Itoobiya oo geeriyooday

Ra'iisul wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi ayaa maanta ayaa la xaqiijiyey geeridiisa, ka dib markii muddo ka badan bil uu jiray shaki isa soo tarayey oo ku saabsan caafimaadka hoggaamiyaha Itoobiya.

Caafimaad iyo geeriba, xaaladda Ra'iisal Wasaare waxaa si weyn u danaynayey reer Itoobiya, mucaarad iyo muxaafidba. Waxaa kaloo danaynayey dalalka deriska ah oo ay ugu horreyaan Eritrea, Somalia iyo Kenya iyo Jabuuti.

Geerida Meles Zenawi waxaa si rasmi ah u sheegay Dawladda Itoobiya, maanta oo Talaado isagoo u geeriyooday xanuunkii uu muddoba la maqnaa, laakiin warka geerida Meles lama sii faahfaahin, halka uu ku dhintay iyo jirrada uu u dhintay dhab ahaan waxay ahayd.

Zenawi oo 57-jir ahaa wuxuu soo xukumayay Itoobiya muddo 20-sano ah, waxaana jira welwel ah maxaa dhici doono Zenawi ka dib, Itoobiya oo isirro dadeed oo kala duwan iyo diimo kala duwan leh?

Geerida Meles Zenawi waxay saameyn ku lahaan doontaa gobolka iyo Itoobiya lafteeda, waxaana la sugayaa sida Dawladda Itoobiya u maarayn doonto isbeddelka geeridiisu keenayso.

Kasmo Online

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text